2:54 pm - Saturday July 29, 2017

Wasaaradda Ciyaaraha Oo Shahaado-Sharaf Ku Maamuustay CADALOOL.COM

Aidarous
www_Cadalool_Com

Hargeysa (Cadalool) – Munaasibad xalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa Shahaado-Sharafyo lagu Guddoonsiiyey Dadkii ka qayb-qaatay Hirgelinta Tartankii Ciyaaraha Gobollada Somaliland iyo Warbaahintii sida Joogtada Gudaha iyo Dibaddaba ugu gudbinayey tartankaasi.


Xafladdan oo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Shahaado-sharafyo ku guddoonsiisay Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka sida tooska ah iyo sida Dadban ba uga taageeray hirgelinta tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland, ayaa waxa sidoo kale Dadka Shahaado-Sharafta lagu Guddoonsiiyey ka mid ah Maamulka Shabakadda Ciyaaraha ee CADALOOL.COM oo intii tartanku socday si toos ah ugu gudbinaysay Ciyaaraha Dadka Internet-ka Isticmaala ee ku kala nool daafaha Adduunka.

Cabdiwahaab Axmed Cabeeye Oo Wasiirka Ciyaaraha (Bidix) Ka Gudoomiyaha Shahaado Sharafta -

Cabdiwahaab Axmed Cabeeye Oo Wasiirka Ciyaaraha (Bidix) Ka Gudoomiyaha Shahaado Sharafta –

CADALOOL.COM oo ah Shabakad ama Mareeg si Maalin leh Ciyaaraha Dalka iyo kuwa dibedda ugu baahisa Internet-ka, ayaa Wasaaradda Ciyaaruhu uga mahad-celisay doorkii ay ka qaadatay Baahinta Tartankii Ciyaaraha ee Gobollada Somaliland isla-markaana ay Shacabka Gudaha iyo dibedda ee Internet-ka Isticmaala uga haqab-tirtay Daawashada Ciyaaraha.

15110983_1149544575095051_3459655265511368941_o
Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Faarax Maydhane iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo ka hadlayey Munaasibaddii Cadalool.com iyo Dadka kale lagu guddoonsiiyey Shahaado-Sharafyada, ayaa si isku mid ah u xusay in Cadalool ay Shahaado Sharafta la siiyey ku muteysatay doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaadatay baahinta Ciyaaraha Gobollada Dalka, sidaa darteedna ay mudan tahay in lagu maamuso wax-qabadka ay muujisay.

Waxa Xusid Mudan in Xafladdaasi Shahaado-Sharafyo lagu Guddoonsiiyey Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Koleyga Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax) iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka kubadda Cagta Somaliland.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Daawo: Xiddiga Kubadda Cagta Somaliland

Zidane Oo Soo Bandhigay Ciyaartoyga Uu Kala Hor Tegi Doono Atletico Iyo Shaxdiisa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: