Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Ka Hadashay Garoomada Gaarka Loo Leeyahay

Hargeysa (www.cadalool.com) – Wasaaradda ciyaaraha, dhallinyarada iyo dalxiiska Somaliland ayaa ka hadashay garoomada casriga ah ee gaarka loo leeyahay ee dalka ku soo badanaya, kuwaas oo ay maalgasheen isla markaana samaysteen dhallinyaro iskood u maalgeliyey.

Agaasimaha wasaaradda ciyaaraha, Maxamed Xuseen Dhabbeeye, ayaa sheegay in inta aan garoomadaas la furin ay cidda furanaysaa la socodsiiso wasaaradda ciyaaraha, isla markaana la siiyo ruqsad ogolaansho ah ka hor inta aan la bilaabin dhismaha garoonka.

“Way nala socodsiiyaan, oo waxa aanu siinnaa ogolaansho, goobta ay ka dhigayaanna waanu eegnaa. Waxa kale oo aanu siinaa warqad cashuur dhaaf ah oo runtii iyaga ayaa dhigta doogga” sidaas ayuu yidhi agaasimaha wasaaradda ciyaaraha.

Warkan oo uu qoray wargeyska Geeska Sport, ayaa waxa uu agaasimuhu muujiyey in ay dhiirigelinayaan dhallinyarada ku hawlan arrimaha ciyaaraha.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Somaliland: Goorma Ayaa La Qaban Doonaa Tartanka Gobollada?

Hargeysa: Dooggii la dhigayay Garoonka Hargeisa Stadium Oo Dalka Yimid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com