Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Lagu Eedeeyey Xil Gudasho La’aan

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa lagu eedeeyey in ay ku fashilantay gudashada waajibaadkii ka saarnaa horumarinta ciyaaraha iyo jihaynta dhallinyarada.

Sida uu qoray wargeyska Geeska Sport caddadkiisii Isniintii, kulan ay yeesheen kooxda Duufaan oo dhawaan xabsiga loo taxaabay, ayaa waxa ka qayb galay Marwo Faadumo Siciid, waxaanay ku eedaysay wasaaradda ciyaaraha in aanay u shaqaynin sidii looga baahnaa, isla markaana ay ku fashilantay gebi ahaanba waajibaadkii ka saarnaa dhallinyarada ay magacooda sidato.

Masuul ka socday xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo isaguna madasha fadhiyey ayaa eedaymahaas gaashaanka ku dhuftay, waxaanu tilmaamay in aanay waxba ka jirin balse ay wasaaraddiisu gudanayso waajibkii saarnaa.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Simeone Oo Dhanbaal Hambalyo Ah U Diray Wiilkiisa Argentina Guusha Ku Hogaamiyey

Fifa Oo Shaacisay Afarta Musharax Ee U Tartami Doona Madaxweynaha FIFA

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com