Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Sii Sagootisay Laba Orod Yahan Oo Ka Qayb Gelaya Tartan ka dhacaya Jabuuti

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Olombikada Xasan Waraabe Cade, Guddoomiye xigeenka xidhiidhka ciyaaraha Fudud Cismaan Cali Xuseen ayaa maanta garoonka diyaaradaha caasimadda Hargeysa ee Cigaal Airport ku sii sagootiyey laba orod yahan oo magaca Somaliland kaga qeyb-gali doona tartan heer caalami oo ka dhici doona wadanka Jabuuti.

Labadan Orod yahan oo kala ah Xariir Yuusuf Carab iyo Cabdilaahi Cabdi Siciid ayaa maalinta Jimcaha ee 27-ka bishan Calanka iyo magaca Somaliland si weyn uga dhex muujin doona tartan Half Marathon ah oo ka dhacaya caasimada Jabuuti, waxaana ka qeyb-gali doona in ka badan 23 Wadan oo Afrika ka kala yimid iyada oo ah markii 5-aad oo xidhiidh ah oo Orod yahano metalaya Somaliland ay tartankan ka qayb-galaan. Waxaana labadan ciyaartoy safarkooda ku weheliya La Taliyaha madaxweynaha Dr. Cumar Cilmi Dixood, guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud Mustafe Cali Nuur iyo tababare Axmed Koosaar Xuseen (Juujuule).

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha Fudud Mustafe Cali Nuur waxaana uu xusay in tartankan Orodka ahi uu sumcad iyo sharaf u yahay Somaliland, ayna ka xidhiidh ahaan ay rajaynayaan inay ka dhex muuqdaan. Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiye xigeenka xidhiidhka ciyaaraha fudud Cismaan Cali Xuseen, waxaana uu ka war-bixiyay tartankan iyo ciyaartoyda ka qeyb-gali doonta. Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Dr. Cumar Cilmi Dixood, waxaana uu si qoto dheer uga hadlay ciyaaraha iyo doorka muhiimka ah ee ay uga qeyb-qaataan horumarka dal ahaaneed, waxaana uu wasaaradda ciyaaraha ku bogaadiyey sida ay ugu heelan tahay inay dhiiri-geliso ciyaartoyda kala duwan ee dalka.

Ugu dambeyntii waxaa sagootinkaasi ka hadlay Agaasime Maxamed Dhabeeye, waxaana uu tilmaamay in maanta ciyaaraha dalku uu marayo meel sarre ayna ka wasaarad ahaan ku dedaali doonaan sidii wadamada aynu jaarka nahay tartamada ka qabsooma looga qeyb-gali lahaa maadaama ay Somaliland u tahay si ay adduunka uga dhex muuqato, tustana in wadankani yahay wadan dhinac walba ka dhisan oo u qalma in lagu abaal-mariyo Ictiraaf, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Runtii waxaanu maanta noo farxad ah inaanu sii sagootino laba Orod yahan iyo guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud iyo tababare Juujuule oo ka qeyb galaya tartanka Half Marathonka ah ee maalinta Jimcaha ka dhacaya Wadanka Jabouti, waana sharaf u soo hoyatay dalka iyo wasaarada ciyaarahaba in markii 5-aad tartankaas ay wadamada 23-ka wadan ahi ka soo qeyb galayaan inaynu tusno Qadiyadeena iyo jiritaankeena, waxaanan rajaynayaa in marka aynu tartamada caynkan ah aynu ku badano oo aynu isku muujino in Ictiraafkeenuna uu iska iman doono Insha Allah, waxaan labadan Orod yahan u rajaynayaa inay guul soo hooyaan anagoo ka wasaarad ahaan ku kalsoon Khibaradooda iyo kartidooda ciyaareed”.

“Waxaana tani ay ka marag kacaysa sida xukuumad ahaan iyo wasaarad ahaan mar walba oo fursad caynkan ah uga ajiibno, kumana koobna oo qudha orodada oo dhawr jeer oo hore waxaan uga qeyb-galnay tartamo heer caalami ah oo kubadda koleyga ah, waana inoo guul iyo inaynu qaranimadeena iyo jiritaankeena tusno una sheegno dunida, waxaana labadan orod yahan u rajaynayaa safar kheyr qaba iyo Insha Allah iyaga oo si fiican uga dhex muuqda guulna soo hooya” ayuu hadalkiisi ku soo koobay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Kooxda kubadda cagta Duulista iyo Hawada oo Karbaashtay Kooxda Wakaaladda Biyaha Berbera kuna guuleysatay koob lagu daah-furayey Terminal Cusub

Gareth Bale vs Koke Resurreccion

Manchester City Oo Lacag Badan Ku Dooneysa Koke

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com