Wasiirka Ciyaaraha Oo Muddeeyay Qabashada Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland

Wasiirka Oo caddeeyey in labadii sannadoodba mar la qaban doono tartanka

Koobka gobolladaHargeysa (www.cadalool.com) – Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland, Cali Siciid Raygal, ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in tartanka ciyaaraha ee gobollada dalka la qaban doono bisha August ee sannadkan.

War-saxaafadeed uu Salaasadii soo saaray wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa waxa uu ku sheegay in labadii sannadoodba mar la qaban doono tartanka gobollada, waxaanu amar ku siiyey agaasimeyaasha wasaaraddiisa inay diyaariyaan hawlaha qabanqaabada ee tartanka.

War-saxaafadeedka oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:

Ka: Wasiirka Wasaaradda DHC&Dalxiiska JSL                                                                       =Hargaysa=

Ku: Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda DHC&Dalxiiska JSL                            =Hargaysa=

Ku: Guddida Olombikada Qaranka                                                                                    =Hargaysa=

Ku: Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL                                                                                   =Hargaysa=

Ku: Maayaradda iyo Badhasaabada Gobollada Dalka                                                   =Rugahooda=

Ku: Saxaafadda Dalka                                                                                                         =Rugahooda=

Og: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda DHC&Dalxiiska JSL                                        =Hargaysa=

War axaafadeed: Xilliga Uu Qabsoomayo Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland

Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland iyada oo ka duulaysa siyaasada xukuumada iyo dar-dar gelinta shaqada ay hayso waxay halkan ku shaacinaysa wakhtiga rasmiga ah ee uu qabsoomi doono tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland.

Sida aynu ka war-hayno tartankani ma uu qabsoomin sannadkii hore tabaabusho iyo diyaar garaw xoogan oo ka duwan kuwii hore awgeed, waxaa tartanka ciyaaraha gobolladu uu qabsoomaya haddii Alle Yidhaahdo bisha August sannadkan 2015. Wakhtigan aanu u cayimnay qabsoomida tartankan oo ah ka ugu baaxada weyn Dalka ayaa ay wakhti munaasib ah oo aanu ka eegnay dhinacyo baddan, waa wakhti hadii Eebe Idmo ay bisha Ramadaan dhamaatay iyada oo dhanka kale guud ahaan Ardaydu ay fasax sannadeedka ay ku jiraan halka sidoo kale ay dalka yimaadaan Qurbo jog aad u tiro baddan.

Haddaba waxaanu faraynaa cid kasta oo ay khusayso sidoo kalena aanu wada shaqayn leenahay inay ku diyaar garoobaan inta ka hadhay muddadaas aanu shaacinay.

Hadda laga bilaabo tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland waxa uu noqon doonaa mid labadii sannaba hal mar la qaban doono Insha Allah. Waxaanan rajaynayaa in tartankan soo socda iyo kuwa ku xigaaba inoogu qabsoomi doonaan hanaan qurux baddan oo nabad-galyo iyo xasilooni ah.

ALLAA MAHAD LEH

Cali Siciid Reygal

Wasiirka WHDC&Dalxiiska 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Lacagaha Telefishannada: Cardiff oo 32.5m ka lacag badnaatay Atletico Madrid

Maxkamadda Sare ee Spain Oo Diiday cusboonaysiin Lagu Sameynayay Bernabeu

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com