11:40 pm - Thursday July 27, 2017

West Brom Oo Jihada Ka Lumisay Leicester City

Abdiwahab Ahmed
phillips_reuters

West Brom Laacibka baasha uga ciyaara ee Winger Matt Phillips khalad uu ka faa’iidaystay oo uu galay ciyaaryahan Danny Drinkwater ayuu ku ciqaabay guushana kaga faramaroojiyey naadiga horyaalnimada difaacanaya ee Leicester.

Laba gool oo saddex daqiiqo gudohood ku dhashay qaybtii dambe ee ciyaarta, ayaa ka dhigay kulanka ka dhacayay geggida, King Power Stadium, mid ceebo badan ka muuqdaan.

West Brom ayaa goolka ku horeysay, markii laacibka khadka dhexe ee James Morrison, oo kulanku u ahaa kii ugu horeeyey ee lagu bilaabo horyaalka tan iyo bishii January, uu madax ku qabtay kubaddii uu sida quruxda badan u soo jebiyey Phillips.

Wax yar kadib, Riyad Mahrez, oo midig uga soo shaqaynayay Leicester, ayaa farsameeyey kubbad lama ilaabaan ah oo uu u salaxay laacibka kooxdu qiimihii ugu sareeyey abid oo ah £29m xagaagan kula soo wareegtay ee Islam Slimani kaas oo shabaqa ku ruxay goolkiisi afraad ee intii uu naadiga Dacawada ku soo biiray uu dhaliyo.

Laakiin, 18 daqiiqo markii ay dhamaadka ka dhinayd, Phillips ayaa ku celiyey oo xareeyey kubad uu si khalad ah usoo qabsaday Drinkwater, si fiicana u daba mariyey goolwade Ron-Robert Zieler.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Manchester_United

Manchester United Oo Guul Ku Heshay Goolalasha Ibrahimovic Iyo Pogba

Lionel_Messi_scored_his_469th

Barcelona Oo Garaacday Sevilla

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: