2:53 pm - Saturday July 29, 2017

Man United Oo Wareega Afraad FA Cup Iska Xaadirisay Iyo Rooney Oo Taariikhda Galay

Abdiwahab Ahmed
Manchester United Oo Xasuuqday Reading
Manchester United Oo Xasuuqday Reading

Wayne Rooney ayaa labeeyey laacibkii haystay taariikhda gool dhalinta kooxda Manchester United, ciyaar kooxda koobka difaacanaysaa ay durduro ku dhaaftay naadiga Reading, uguna gudubtay wareega afraad ee FA Cup.

Rooney ayaa hoosta ka xariiqay goolkiisii 249 aad ee uu United u dhaliyo, isagoo xareeyey 10 daqiiqo oo kaliya markii ciyaartu socotay, sidaasna ku barbareeyey rikoodhka goolasha, 44 jir Sir Bobby Charlton, kaas oo isna goobta xaadir ku ahaa si uu goob joog ugu ahaado rikoodhkiisa oo la jabinayo.

Anthony Martial ayaa ku daray gool, ciyaartan ay kooxda martida ahayd qaybtii horeba shaqada ka qabsatay.

Manchester United Oo Xasuuqday Reading

Manchester United Oo Xasuuqday Reading

Marcus Rashford ayaa saddexeeyey ka hor intii aanu ku afrayn gool labaad oo uu ciyaarta raacsaday, kadib markii uu ka faa’iidaystay, khalad ceeb ah oo uu ku kacay goolwadaha Reading ee Ali Al-Habsi.

Dhacdadani waxay calaamadisay, farxad la’aan uu kala huleelo garoonka Old Trafford tabobaraha wata Reading oo hore difaaca uga soo ciyaari jiray Man United – Jaap Stam.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Real Madrid Oo Ku Tumatay Granada – Rikoodhkii Barcelonana Jebisay

Cristiano Ronaldo Oo Bernabeu Kusoo Bandhigay Abaal-marinnada Ballon d’Or Oo Afar Ah

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: