7:34 am - Sunday July 23, 2017

Real Madrid Oo Cagta Marisay Sevilla Iyo Zidane Oo Guul Ugu Dabbaal-degay Sannad-guuradiisii 1aad

Abdiwahab Ahmed

Real Madrid ayaa 3-0 ku khaarajisay Sevilla oo ay xalay isku haleeleen lugta koowaad ee tartanka koobka boqorka ee Copa del Rey oo maraya marxaladda 16-ka.

Real Madrid ayaa sii kordhisay ciyaaraha aan dhinaceeda dhulka dhulka la dhigin, waxaanay farxad kala baxday garoonka Bernbeu oo ay ciyaartani ka dhacday, ayna ku sugnaayeen taageereyaal badan oo maalmo fasax ah kaddib ku soo laabtay ciyaarta kooxdooda ee sannadka cusub, iyo dabbaal-degga sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay maalintii Zidane laga dhigay tababaraha Real Madrid.

Real oo aan laga badinin 38-kii ciyaarood ee u dambeeyey, ayaa waxay xalay guuleysatay ciyaartii 29aad, sagaalka kulan ee kalena barbar dhac ayey gashay, waxaanay sidaas kula simantay rikoodh u yaallay Barcelona oo ahaa in 38 kulan aan dhinaceeda dhulka dhulka la dhigin laba sannadood ka hor.

James Rodriguez ayaa dhaliyey laba ka mid ah goolasha isagoo ka faa’iidaystay fursad uu helay markii Cristiano Ronaldo uu nasasho ku maqnaaday, goolka saddexaadna waxa raaciyey difaacyahanka Raphael Varane oo madax ku dhaliyey.

Ciyaarta labaad ayey labada kooxood foodda is dari doonaan 12 January oo ah toddobaadka dambe.

Real Madrid oo ay dhaawac kaga maqan yihiin raxan ciyaartooyo ah ayaa waxa kusoo fool leh wakhti adag, waxaana sugaya in 21 ciyaarood ay ciyaarto muddo 11 toddobaad gudihii ah, taas oo ku adkaan doonta ciyaaryahannada inay sii wadaan qaab-ciyaareedkooda wanaagsan.

Kulankan waxa kale oo uu kii labaad ee xidhiidh ah ee ay ka wada maqnaayeen ciyaaryahannada saddexda ah ee loo yaqaano BBC, iyadoo Benzema oo garoonka xaadir ku ahaana kursiga kaydka uu tababaruhu geliyey, halka Ronaldo uu nasasho ku maqan yahay, ninkii saddexaad oo ahaa Gareth Bale uu isna dhaawac wakhti dheer qaatay oo kuraanta ah u jiifo.

Kulamada kale ee dhacay, Real Sociedad ayaa guul ka gaadhay Villarreal oo ay ku karbaashtay 3-1, waxaana goolasha u dhaliyey Willian Jose, Carlos Vela iyo Mikel Oyarzabal.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

All Goals and Highlights: L. A. Clippers 116 – 102 Memphis Grizzlies

Guushii Tottenham Ka Gaadhay Chelsea Oo Beddeshay Jewiga Horyaalka Premier League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: