Orodyahanka reer Ethiopia ee Kenenisa Bekele Oo Ka Maqnaanaya Marathon-ka London

kenenisa-bekele-londonLONDON: Orodyahanka orodka dheer ee Kenenisa Bekele ayaa laga saaray tartanka orodka ah ee bisha dambe ka dhici doona magaalada London ee lagu magacaabo London Marathon kadib markii uu ka bogsan kari waayey dhaawac uu u jiifay muddo dhawr bilood ah.

Orodyahankan u dhashay wadanka Ethiopia ee Bekelle oo billado badan oo Olympic iyo World Champions ahba ku guuleystay ayaa seegi doona Marathon-ka ka furmi doona London 26ka April, kaas oo ku maqnaan doona dhaawac lugta midig ka gaadhay bishii January ee sannadkan intii uu socday Marathon-kii Dubai.

Bekele oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in uu doonayey in uu ka qayb galo tartankaas hase yeeshee uu dhaawacaasi ka xayiray in uu ka qayb galo oo uu mar kale ku tartamo Marathon-ka ka dhici doona London.

“Aad ayaan u doonayey in aan sannadkan ordo London, laakiin dhaawaca si fiican ugamaan bogsan, mana awoodi kari karo in aan mar kale ka qayb galo tartankaas weyn” sidaas ayuu yidhi Kenenisa Bekele.

Qaban-qaabiyeyaasha ayaa shaaciyey in ay tartankaas ka qayb geli doonaan laba orodyahan oo cusub, kuwaas oo kala ah Geoffrey Mutai oo u dhashay wadanka Kenya iyo Aselefech Mergia oo Ethiopian ah.

Mutai laba jeer ayuu ku guuleystay Marathon-kii lagu qabtay magaalada New York, sidoo kale waxa uu sannadkii 2012 ku guuleystay Marathon-kii lagu qabtay Berlin.

Waxa orodkan ka qayb geli doona oo si fiican isha loogu hayn doonaa Dennis Kimetto oo haysta rikoodh cusub oo uu u dhigay orodkan iyo ninka difaacanaya guushii uu sanadkii hore gaadhay ee Wilson Kipsang.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Ra’iisal Wasaaraha France Oo Ka Jawaabay hadalkii Ibrahimovic

Iniesta: Messi Ayaa Kala Daadin Doona Manchester City

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com