Chelsea ayaa lix dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaaminta horyaalka Ingiriiska ee Premier League – kadib markii Cesc Fabregas gool uu qaybtii hore ee ciyaarta u dhaliyey ay ugu quus goysay Sunderland oo marti loogu ahaa geggida Stadium of Light.

Fabregas wuxuu kubbada ka xareeyey giftinka sare ee goolka, taas ayaana u saamaxday naadiga lagu naanayso the blues, inay dhigaan rikoodh ah 10 kulan oo is xiga inay guuleysteen horyaalka.

Sunderland goolwadeheeda Jordan Pickford, ayaa ka badbaadiyey laacibkii hore ee kooxda bisada madow ee Marcos Alonso iyo Willian laba fursadood oo ay Chelsea ku kordhin lahayd faraqa goolasha ciyaarta.