9:46 pm - Saturday July 22, 2017

Wax Ka Barro Taariikhda Xiddiga Gobollka Maroodi-Jeex & Kooxda D.H.H Maxamuud Goofindha – (Qeybta 1-aad)

Samatar Mohamed

Shabakadda ciyaaraha ee Cadalool.com iyada oo ay ka go’an tahay horena aad uga barateen dhiiri-gelinta iyo xusidda ciyaaraha kala duwan ee Somaliland, waxa ay halkan idiinku soo gudbinaysaa taariikhda macaan ee ciyaartoyga kubadda cagta ee gobolka Maroodi-Jeex iyo kooxda heerka koowaad ee D.H.H Maxamuud Cabdi Xasan (Goofindha).

Laacibkan oo ka mid ah ciyaar yahanadda dhifka ah ee ugu magaca weyn taariikhda balaadhana ku leh Somaliland, ayaan la soo koobi karayn taariikhdiisa balse waxaanu isku dayi doonaa inaanu halkan idiinku soo gudbino qormooyin taxane noqon doona oo ku saabsan waayihiisii ciyaareed ee kala duwanaa, iyada oo ay xusid mudan tahay inuu ilaa haddana yahay ciyaartoy hogaamiye u ah kooxihiisa.

Maxamuud Cabdi Xasan (Goofindha) waxa uu dhashay bishii July 23-keedi sannadkii 1985-kii, waxaana uu ku dhashay Magaaladda Hargeysa. Culeyska miisaankiisu waa 67kg, dhererkiisuna waa 1.75m.

Waa ciyaartoy marna waa Aabe Afar caruura Eebe ugu deeqay, waxbarashadda waxa uu ka gaadhay heer Jaamacadeed, sannadkii 2012-kii ayuu shahaadada koowaad ka qaatay barashadda IT-ga jaamacadda Alpha University Hargeisa. Maxamuud Goofindha ciyaarista kubadda cagta waxa uu bilaabay isaga oo aad u da’ yar, waxaana uu wakhtigaas ku ciyaari jiray garoomo caruureedkii xaafaddaha dhexdooda ahaa.

Maxamuud Cabdi Xasan (Goofindha) kooxdii ugu horeysay ee uu u ciyaaray waxay ahayd koox la odhan jiray Hilaac waxaana ku xigtay koox kale oo la odhan jiray Holac, kooxahaas waxuu la soo qaatay wakhti fiican, inkasta oo wakhtigaas aanay jirin tartamada hada kooxuhu galaan ee koobabka oo wakhtigaas la ciyaari jiray koox kooxdii lacag-lacagta ahayd, isagoo wakhtigaas ay isku koox ahaayeen ciyaartoydii ay ka mid ahaayeen Cabdirisaaq Aaraye, Muuse Cumar Hindi, Xasan Khadar, Maxamed Ashahaate, Jamaal iyo kuwo kale oo badan. Intaas ka dib waxuu Goofindha markii uu qaab ciyaareedkiisa kubada cagtu uu soo muuqday uu ku biiray kooxo baddan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kooxaha Xero Ruush, Jarmalka, Alyaqiin, Ifiso, Brasil, Nayruus, HEC iyo Burtiqiiska, kuwaas oo uu kula soo naalooday kulana guulaystay kulamo iyo tartamo xiiso baddnaa.

Maxamuud (Goofindha) waxa uu ka soo wareegay kooxaha heerka saddexaad waxaana uu ku biiray kooxaha heerka labaad, waana wakhtiga la odhan karo xirfadiisa iyo magaciisuba waa halka uu ka soo abqaalay, wuxuu u soo ciyaaray kooxaha Liibaan iyo Fine, kuwaas oo xusuus qaaliya u leh isagoo sidoo kale kula soo guulaystay guulo waaweyn, guulahaas oo ay  ka mid ahaayeen inuu kula guulaystay tartankii Peace Cup-kii ee labada ciyaartoy dibada loogu diray kuwaas oo kala ahaa Shactiroole iyo Cabdi Riyaad, waxaan uu ka mid ahaa gool dhaliyayaashii tartankaas ugu fiicnaa. Goofindha Ciyaartoydii ay heerka labaad iska soo garab ciyaareen ee aanu iloobi karin waxaa ka mid ahaa Shartiroole, Xamse Duubaaye, Godh-godh,  Cabrisaaq Quule, Dhago, Ciise, Qaawane, Mubo, Teedhi, Kaalid Naysha, Maxamed Xasan, Biiti iyo ciyaartooyo kale.

Goofindha heerka koowaad waxa uu ku soo biiray sannadkii 2005-tii, waxaana wakhtigaas ilaa maanta uu muddadaas oo dhan ku sugnaa kooxda D.H.H isagoo kula guuleystay afar koob. Maxamuud Cabdi Xasan waa kabtanka labaad ee kooxda heerka koowaad ee ku ciyaarta magaca Dawlada Hoose ee Hargeysa (D.D.H), waxaana xusid mudan inuu isagu xilka kabtanimo uu iska wareejiyay. Sidoo kale waxa uu ku guuleystay gool dhallinta tartamo baddan oo ay ka mid ahaayeen tartankii Dahabshiil Cup ee kooxaha heerka koowaad, Tartankii wacyi-gelinta aafada Tahriibka, Tartankii Jaamacaddaha caasimadda 2011-kii, Tartankii Dollar Store Cup ee Ramadaantii 2012-kii, iyo sidoo kale tartankii Koobkii Gobollada Somaliland ee sannadkii 2011-kii ka qasboomay Gobolka Togdheer gaar ahaan Magaaladda Burco, waxana uu ahaa ciyaartoygii goolkii ugu horeeyay dhalliyey (Openinng Goal) kaas oo sidoo kale ahaa kii ugu dhakhsaha badnaa, abaal-marina u helay gaadhi Taxi noociisu yahay Crown oo ay siisay shirkadda Isgaadhsiinta Somtel……La soco qeybaha kale.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Firmino Iyo Mane Oo Laba Isleeg Ka Dhigay Leicester City-dii Horyaalka Haysatay

guardiola-oo-amaanay-bravo

Pep Guardiola Oo Difaacay Claudio Bravo Kadib Guushii Darbiga Manchester

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: