“Waxaan Ciyaaryahanada Kula Talin Lahaa In Aanay Ku Milmin Siyaasada Iyo Xisbiyada” – Dhay Lo’aad

Kabtankii hore ee Xulka Kubada Cagta Gabiley Cabdiraxmaan Jaamac Muuse (Dhay Lo’aad), ayaa talo u soo jeediyey guud ahaan Ciyaaryahanada kala duwan ee dalka, waxaanu ugu baaqay in aanay ku milmin Siyaasada, isagoo xusay in Ciyaaraha iyo Siyaasadu ay kala madax-banaan yihiin.

Kabtankii hore ee Xulka Kubada Cagta Gabiley Cabdiraxmaan Jaamac Muuse (Dhay Lo’aad), oo u waramaya Wargeyska Ciyaaraha ee Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda Ciyaaruhu lacag ka qaado kooxaha ku ciyaaraya Hargeysa Stadium, waxaanu ugu baaqay inay lacagtaas ka dayso, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xaalada xasaasiya ayeynu ku jirnaa, Doorashadii Madaxtooyada ayaa la galayaa, sidaas oo ay tahay marka laga hadlaayo Ciyaaraha iyo Siyaasadu wey kala madax-banaan yihiin, markaas anigu waxaan Ciyaaryahanada kula talin lahaa in aanay ku milmin Siyaasada iyo Xisbiyada, ololahana aanay qayb ka noqon ee hadhaw marka Doorashada la galo inay Xisbiga ay doonayaan codkooda siyaan”.

Ciyaaryahan Dhay Lo’aad,mar uu ka hadlaayey Garoonka Hargeysa Stadium ayaa yidhi “Garoonka Hargeysa Stadium, waa Garoonkii Qaranka, markaas iyadoo awalba tartamadeenu iska koobnayeen, haddana maanta haddii labada kooxood ee ku ciyaaraya Garoonka Hargeysa Stadium, in Wasaaradda Ciyaaruhu lacag ka qaado miyaaany dhib ahayn, markaas Masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha waxaan ka codsanayaa in kooxaha ku ciyaaraya Garoonka aan wax lacag ah laga qaadin”.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Tartankii Kubada Cagta Kooxaha Dawladdaha Hoose Ee Dalka Siillaanyo Cup, Oo Loolanka Xisbiyada, Ololaha Iyo Doorashada Madaxtooyada Dartood U Qabsoomi Waayey

“Madaxweynaha La Dooran Doono Iyo Xukuumadiisaba Waxaan Leeyahay Ciyaaraha Wax Ha Laga Qabto” – Shakuur

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com