“Waxaanu Alves u raadinaynaa koox kale”

Wakiilka Dani Alves,oo lagu magacaabo Dinorah Santana, ayaa u sheegay Idaacada Cadena SER ee wadanka Spain laga dhagaysto, in laacibkan difaaca ah mustaqbalkiisii ciyaareed ee kooxda Barcelona ku dhaw yahay dhamaad .
“Iyagu [Barcelona] wey nala soo xidhiidheen. Sidaas darteed waxa kaliya oon ka xusi karaa wixii na dhex maray in Barca aanay doonayn Alves, markaa waxaanu u raadinaynaa koox kale”.
“Waa wax lala yaabo inay isaga u ogolaadaan inuu ka tago isagoo heshiiskiisu xor yahay. Laakiin haddii aanay ilaa hadda waxba ka odhan lahayn, Aniga fahankayga, waxay ila tahay inaanay doonayn inay heshiiska u cusboonaysiiyaan Alves”.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Tababarihii Xulka Japan Oo La Eryey

Xulka Ghana Oo Ugu Gudbay Finalka Koobka Afrika Ciyaar Mashaqo Hadhaysay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com