Rooney Oo Ka Walaacsan Wiilkiisa oo sameeyey Dabaal-deg Aabbihii Lagu Canaantay

Rooney

Wayne Rooney ayaan ku farxin markii uu ogaaday in wiilkiisa yare ee Kai uu sameeyey dabbaal-deg la mid ah kii uu Rooney sameeyey markii laga duubay isaga oo feedh dhulka loogu tuuray, waxaanu hadda xiddigani warbaahinta u sheegay in aanu mar dambe samayn doonin fal noocaas oo kale ah, isla markaana aanu dooneynin in wiilkiisa yari kaga daydo dhaqamada aan wanaagsanayn ee uu isagu sameeyey.

Xaaska uu qabo Rooney ee Coleen ayaa aragtay wiilkeeda yar ee Kai oo iska dhigaya in uu feedh ku dhufanayo qof kale isla markaana dhulka isku tuuray sid la mid ah sidii aabbihii, waxaana arrintani ay saamayn ku yeelatay Rooney.

Rooney

“Xaaskayga ayaa iskuulka tagtay si ay usoo kaxayso Kai, waxaanay aragtay isaga oo feedhkii dabbaal-degga ahaa oo kale ku dhex samaynaya fasalka, waxaanse hubaa in aanu mar dambe arki doonin anigoo samaynaya dabbaal-deggaas oo kale.” Sidaas ayuu yidhi Rooney.

Rooney ayaa mar kale ka sheekeeyey dhacdadii feedhka dhulka loogu tuuray, taas oo uu sheegay in aanay xaqiiqadu ahayn in uu la seexay feedh lagu dhuftay hase yeeshee uu iska dhigay mid suuxay oo kale, taas daraadeedna ay dadkii daawaday muuqaalkii laga duubay ay u turjumeen si khaldan.

Rooney ayaa dabbaal-deg kaga jawaabay muuqaalladaas laga duubay kulankii ay kooxdiisa Manchester United 3-0 ku garaacday Tottenham.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

“Bale Wuxuu ku soo baxayaa Manchester United” – Scholes

Sturridge Oo Dhaawac Gaadhay Ku Maqnaan Doona muddo bil ah

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com