‘We forgot to score’ – Van Gaal Muxuu Ka Yidhi Guuldarada Swansea

Tababaraha naadiga Manchester United, Louis van Gaal ayaa ku calaacalay inay ka luntay hanaankii gool dhalintu balse ay sida kale ciyaarta maamusheen, isagoo arintaas ka hadlayana wuxuu yidhi : “Dabcan waad odhan kartaa ciyaarta idinka maamulanayay oo xoog ku haystay laakiin arinka kaliya ee u baahnaa inaanu ka hawl gallaa wuxuu ahaa inaanu dhalino fursadihii badnaa ee aanu abuuraynay. Maanta waxaanu ahayn kooxda bilaa nasiibka ah. Waxay ila tahay inaanu abuurnay fursado nagu filan. Waxaanu ahayn kooxda maamulka ciyaarta gacanta ku haysay labadii qayboodba.man united oo la garaacay 4
“Dhamaystir degdeg ah ayaa muhiim noo ahaa kadib goolkii furitaanka. Waxay ahayd uun inaanu ka dusno difaaca Swansea ama ka xidhano difaaca oo is abaabulno. Laakiin gool qurux badan ayay naga dhaliyeen Swansea.
“Maanta si qurux badan ayaanu u ciyaarnay – Waxa kaliya ee aanu ilownay wuxuu ahaa sidii goolasha loo dhalinayay. Waa inaanu dedaal dambe soo sameynaa.”

man united oo la garaacay 2

Kooxda Swansea ayaa 2-1 kaga adkaatay Manchester United ciyaar horyaalka Ingiriiska ah oo labada kooxood maanta ku dhex martay garoonka Liberty Stadium.

man united oo la garaacay 3

Ander Herrera ayaa Man United hogaanka u dhiibay oo u furay gool dhalinta, laakiin damaashaadka United ma noqon mid waara kadib markii Ki Sung-Yueng uu goolka barbar dhaca ah ka dhaliyey laba daqiiqo oo kaliya kadib goolka Herrera.

man united oo la garaacay 5

qaybtii dambe daqiiqadii 73 aad ayuu ciyaaryahan Bafetimbi Gomis gool ka dhaliyey Manchester United kaas oo Swanseana guusha u dhiibay.

United ayaa ka huleeshay kaalinta Saddexaad oo ay Arsenal buuxisay maanta , halka ay suurto galka ka tahay in Southampton inay kaalinta Afraadna ka riixod oo shanaad ku tuuro kooxda tababare Van Gaal. man united oo la garaacay 6 man united oo la garaacay 1

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Manchester City Oo Soo Koobtay Faraqii Dhibcaha Chelsea

Barca beaten – Malaga Oo Garoonkooda Ku Karbaashtay Barcelona

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com