Website-ka Man United Oo Hawada Ka Baxay Markii Lagu Qorey Warka Ina La Eryey Tababare David Moyes

Naadiga Manchester United ayaa daboolka ka qaaday 8:30 subaxnimo in si rasmi ah shaqadii looga caydhiyey tababare David Moyes, taas oo sababtay inuu hawada ka baxo shabakadii khaaska ahayd ee Internet ka uu ku lahaa naadigu.

Markii lagu qoray cinwaanka iyo 33 kalmadood oo ka mid ahaa warsaxaafadeedkii kooxda , ayay dhibaato la soo daristay mareegtii United.

Kalmadihii ugu horeeyey ee la galliyey ayaa waxay ahaayeen :- “Manchester United waxay ku dhawaaqaysaa in David Moyes ka tagay naadiga.

“Naadigu wuxuu uga mahad celinayaa , shaqadii adkayd, daacadnimadii iyo adkaysigii uu doorkeeda lahaa.”

Website kii oo cadaan ah : Waxba Aanay ku qornayn

Sidii uu ugu muuqanayay Booqdayaasha

laakiin wixii intaas ka dambeeyey , website-kii waxa ku dhacay mushkilada, booqdayaashiina wey u suurtoobi weyday inay arkaan qoraalada iyo warbixinihii kale ee site-ku siday, waxaana u soo baxayay kaliya shaashad cad oo aan waxba ku qornayn.

Bilyanka qof ee doonayay inuu arko warka darayga ah aadkana loo sugayay , ayaa sababtay ayaa la leeyahay inuu qaadi kari waayo xadiga xad-dhaafka ah ee Server-ka uu ku xidhnaa shabakadu.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Yannick Sagbo Oo Ganaax Culus Ku Mutaystay ‘Waxaad Taageertay Nicolas Anelka’

A.Madrid 0-0 Chelsea : Sawiradii Ugu Fiicnaa Ciyaarta

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com