Welbeck Oo Ka Gaabsaday Inuu Ka Jawaabo Dheleecayntii van Gaal

Weeraryahanka kooxda Arsenal, Danny Welbeck ayaa hoosta dhigay oo ka gaabsaday dhaleecaynta tababarihiisii hore ee kooxda Manchester United, Luis van Gaal ku duray rikoodhka gooldhalinta ciyaaryahanka.
Welbeck, oo 24, jir ahi wuxuu ka dhaqaaqay kooxda United bishii September isagoo 29 gool u dhaliyey 142 ciyaarood oo uu u saftay , waxaanu van Gaal sheegay inaanu la meeqaam ahayn ama soo garab istaagi karin ciyaaryahanadiisa Wayne Rooney iyo Robin van Persie.
“Qof kastaa wuxuu cabiri karaa fikradiisa shaqsiga ah, qaar wey kaa hellayaan, kuwana wey kaa soo horjeedsanayaan,” ayuu Welbeck ku yidhi idaacada BBC qaybteeda, Football Focus.
“Waa kubad cag tani, waa nolol, waana inaad la macaamishaa.”
Welbeck ayaa u dhaliyey sideed gool 32 kulan oo uu u saftay kooxda Gunners xili ciyaareedkan, waxaanu goob joog u ahaa kooxda haysata FA Cup-ku ciyaartii ay kaga reebeen naadigiisii hore tartanka sanadkan.
Laakiin xaqiiqda celceliska goolashiisa ee ka hooseeya inuu 4 tii ciyaaroodba gool u dhaliyo naadiga Old Trafford ayaa ka keentay Van Gaal weedhaha ah’ inaanu ciyaaryahankani rikoodh fiican lahayn, isla markaana aanu la meeqaam noqon karin Rooney ama Van Persie sababtaas darteedna United markii ay ku iibisay £16m isla maalintiiba heshiis amaah ah ay ugula soo wareegtay weeraryahan, Radamel Falcao.
“Waa inaan qalbi adayg ku noolaataa si aad u noqoto qof ku xamaasha xirfada kubada cagta – dad badan baa jiraya oo aan ku qancaynin qaab ciyaareedkaaga,” ayuu Welbeck intaas ku daray.
“Dadkoo dhan baa ku daawanaya. Waa inaad kolba qolo kamid ah raali gallisaa oo xagooda jirtaa.”ayuu hadal ku soo koobay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

“Film Inaan Daawado Ayaan Ka Jecelahay Daawashada Barca” – Ancelotti

Henry iyo Redknapp oo Fool-ka-Fool Isu Wajahay Sidii Mayweather vs Pacquiao

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com