Wenger: “Arsenal Way Ilowday Sidii Loo Guuleysanayey”

single-thumb.jpg

wenger1

Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ka hadlay ciyaartii PSG ay barbaraha la gashay kooxdiisu, sidii ay u ciyaareen xiddigaha uu u xushay kulanku iyo arrin kale oo farta lagu fiiqay oo ahayd in saddexdii kulan ee ugu dambeeyey uu barbar dhac galay.

Wenger waxa uu sheegay in loo baahan yahay in uu si taxadar leh uga hadlo arrimahan, kooxdiisuna ay yara luntay dariiqii guusha laakiin ay dib ugu soo noqon karaan.

“Maanaan guul-darraysan, waxaanu luminay dariiqii guusha.” sidaas ayuu yidhi Wenger, waxaanu intaa ku daray: “Waxa aan aaminsanahay in ay tahay inaan ka taxadaro doorashada ereyada aan odhanayo. Haddii aan kuwo xunxun idhaahdo, way igu soo noqonayaan. Waxa aanu leenahay koox awood badan leh oo keenta natiijo joogto ah. 18 ciyaarood lanagama bedin.”

Wenger waxa kale oo uu tibaaxay in aanay jirin sabab ay kooxdiisu u naxdo, maadaama ay kaalinta labaad kaga baxday Groupkeeda oo ay PSG, waxaanu amaan u jeediyey ciyaartoygiisa.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Manchester City Oo Dhibic Dirqi Ah Ka Boobtay Monchengladbach, Una Gudubtay Wareegga 16-ka

Messi Oo Qarka U Saaran In Gaadho Rikoodh U Xidhan Cristiano Ronaldo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com