3:08 am - Sunday June 25, 2017

Wenger: City Iyo PSG Waa In La Ciqaabo

Abdiwahab Ahmed

Tababaraha Arsenal, Arsene Wenger ayaa ugu baaqay xidhiidhka kubadda cagta ee Yurub ee UEFA in ay tallaabo adag ka qaado labada kooxood ee Manchester City iyo Paris Saint-Germain kadib markii ay jabiyeen sharciga Dheelli-tirnaanta dhaqaalaha naadiyadan (Financial Fair Play (FFP).
City iyo PSG ayaa hadda waxa saaran culays ay suurtogal tahay in lagu soo rogo xayiraad sida ay shaacisay UEFA kadib markii ay jabiyeen sharciga Dheelli-tirnaanta dhaqaalaha naadiyadan (Financial Fair Play (FFP)), waxaana Wenger uu dabada ka riixayaa in ciqaab adag la marsiiyo labadan kooxood.
Wenger waxa uu soo jeediyey in la bartilmaameedsado heshiisyada xuquuqda Tv-yada , waxaana uu yidhi “Waxa jira shuruuc loo hoggaansamo Dheelli-tirnaanta dhaqaalaha naadiyadan (Financial Fair Play (FFP)), haddii aanay xushmayninna waa in lagu waafajiyo sharciga”.
Wenger waxa uu sheegay in kooxda kharash garaysa lacag ka badan intii ay soo saartay lagula xisaabtamo oo lagu soo rogo xayiraado, waxaanu yidhi “Waxa aan rabaa inaan arko iyadoo sharciga la ixtiraamayo, haddii kale FFP mushkilad ayay la kulmaysaa, mustaqbalkana la ixtiraami maayo sababtoo ah qofna tixgelin maayo. Anigu fikirka aan ka haysto mushkiladdaas warbaahintu qayb ayay ka ciyaari kartaa, sababtoo ah marka ay UEFA ka iibinaysa xuquuqda Champions League telefishan Faransiis ah ee lacagtana la siiyo, way adagtahay in loo sharraxo in kooxdii ugu wanaagsanayd waddankaas aanay tartanka ciyaaraynin, taas ayaa ka mid ah sababaha ka dambeeya arrintaas.” Ayuu yidhi.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Pogba: Manchester United Imay Ixtiraami Jirin

Real Madrid Oo La Sheegay Inay Diyaar U Tahay Dhegaysiga Dalabyada Morata

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: