Wenger: dhaawaca Ciyaartoyga ayaa u sababa in aanu kaalin Afaraad ku Dhamaysano Xagaagan

Tababaraha faransiika ah ee layliya Kooxda Arsenal ayaa ka dib guushii ay Xalay gaadheen waxaa uu saxaafada u sheegay in ay sabab u tahay in ay kaalin Afaraad ku dhamaystaan league dhaawacyada ka soo gaadhay ciyaartoyga kooxda.
Waxaa uu si gaar ah usii tilmaamy ciyaartoyga spain uga yimi oo uu sheegay in Ay dhaawacyo ka soo gaadheen, hadii ayna dhawacyadaasi jireen waxaa aanu noqon Lahayn horyaalka ayuu yidhi Wenger mar uu la hadlaayey warbaahinta.
Hadaladan ka soo baxay macalin lagu naanayso macalinka guul darada waxaa ay Noqonayaan qaar la odhan karo nin daad qaaday xunbo cuskay.