Wenger oo gacanta lag saaray lacag uu ku iibsado ciyaartooyo

Tababaraha kooxda Arsenal ayaa gacanta laga geliyey lacag badan oo uu ku iibsado ciyaartooyada uu u baahan yahay marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooydu xagaaga.

Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 12Sida uu qoray wargeyska Daily Telegraph, maamulka sare ee Arsenal ayaa u dhiibay tababare Wenger lacag dhan £50 Milyan oo uu u isticmaali doono in uu suuqa kaga raadsado ciyaartooyo buuxiya meelaha uu tebayo in ay kooxdu ka liicayso.

Tababare Wenger ayaa bartilmaameed ka dhigan doona laacib xoojiya difaaca dhexe ee kooxdiisa oo uu saluug weyni ka muuqdo, khaasatan qaab-ciyaareedkoodii kulankii Monaco uu muujiyey in ay kala daadsan yihiin.

Khadka dhexe ayaa la filayaa in uu wax ku soo kordhiyo iyo waliba gool-haye kale oo khibrad wanaagsan leh.

Sida uu warkani shaaciyey, tababare Wenger waxa uu doonayaa in uu saddexdaas boos ciyaartooyo u iibsado marka uu furmo suuqu bisha June ee soo socota.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ma Dhabbaa In Khedira Heshiis La Galay Schalke?

Enrique: Ingiriisku Dagaal Bay Kula Jiraan Suarez

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com