Wenger Oo Lacag Badan Ku Bixinaya Xiddiga Reer Kenya Ee Wanyama & Mitrovic

Tababaraha kooxda Arsenal ayaa bilaabaya dariiqii uu ku heli lahaa laacibka reer Kenya ee Victor Wanyama iyo laacibka kale ee Aleksandar Mitrovic, kuwaas oo uu u qorsheeyey lacag dhan 30 milyan oo Pound.

Sida uu qoray wargeyska THE SUN, tababare Wenger ayaa doonaya in uu kooxda Southampton ka soo iibsado Victor Wanyama kaas oo qiimihiisa lagu tilmaamay 20 milyan Pound, hase yeeshee lama oga waxa ay dalabkan ka yeeli doonto Southampton oo ka mid ah rukummada ugu adag ee khadka dhexe ee kooxdaas ka caawinaya in ay kaalmaha sare kaga jirto horyaalka Premier League.

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in kooxda Arsenal ay 10 milyan oo lacagta Ingiriiska ah ku dooneyso laacibka 20 jirka ah ee Mitrovic oo u dashay wadanka Serbia.

Wanyama oo ay da’diisu tahay 23 jir ayuu tababare Wenger aaminsan yahay in uu buuxin doono meelaha difiicnnimadu ka hayso kooxdiisa ee khadka dhexe, kaas oo ka caawin kara in ay ku guuleysato tartanka Premier League oo ay ka qatanayd muddo dheer.

Haddii ay Arsenal iibsato Wanyama waxa sii kordhi doonta taageerada ay dadka reer Kenya siiyaan kooxda Gunners, halkaas oo marka horeba aad looga taageeri jiray.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Chelsea Oo £75million Ku Iibsanaysa Gareth Bale

Portugal Oo Xaqiijisay In Uu Dhaawacmay Difaacyahanka Pepe

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com