11:35 pm - Sunday July 23, 2017

Wenger Oo Shaaciyey Inaanu Arsenal Ka Tagayn Kadib Guushii FA Cup Ee Soo Afjartay Sagaal Sanno Oo Koob La’aan Ah

Aidarous

Tababaraha kooxda Arsenal , Arsene Wenger ayaa daboolka ka qaaday inaanu ka tagayn ee uu la joogayo kooxda Arsenal kadib markii uu indhaha saaray xidigihii Arsenal oo u damaashaadaya guushii FA Cup –ka ee ay gallabka ka qaadeen Hull City , ciyaar la isku naf baxay oo ka dhacday garoonka Wembley Stadium , taas oo guushu Gunners ku raacday gool ay la yimaadeen 30 kii daqiiqo ee ciyaarta lagu daray.

Wenger oo ku doodaya in go’aanka sii joogistu uu meel u yaalay , ayaa ku nuux nuux saday guushii kadib inuu Arsenal la sii joogayo.

Arsenal‘’Hore ayaan u sheegay, go’aankaygu inaanu ciyaartan ku xidhnayn , laakiin aan waligay doonayay inaan halkan ku sii negaado.’’ Ayuu Yidhi Wenger.

‘’Caawa waxaanu doonaynay inaanu taariikh samayno oo ku guulaysano ciyaarta, taasna waxaanu uga dhabaynay si laba waji ah – Sidaan ciyaarta Final-ka loogu bilaabin dardar , iyo sida hadana ka daba tag loo sameeyo.’’

‘’Waxay ila tahay inay tani ahayd soo leexin kooxdan lagu soo duwayay dariiqa guusha, oo la dhadhan siinayay inay guushana gaadhi karaan, taas ayaana ahayd arin muhiim ah caawa.’’

Arsenal oo‘’Ayaan darro ayay noqon lahayd , haddii aanu guuldaraysan lahayn,  laakiin waan kala daba nimid .. waxaan aad u amaanayaa dedaalkii qayrul caadiga ahaa ee ay kooxdu samaysay.. Hambalyo ayaanan leeyahay Hull, ciyaarta oo dhan waxay u ciyaarayeen si layaab leh.’’

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Atletico Madrid Oo Ku guulaysatay horyaalka dalka Spain ee La Liga Iyo Barcelona Oo Koob La’aan Noqotay

Diego Costa Oo Ilmadu Joogsan Weyday Markii Loo Sheegay Inuu Final-ka Champion ka Seegi Doono

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: