1:26 pm - Wednesday June 28, 2017

Wenger Oo Sheegay Inuu Ka Quustay Heshiis Cusub Oo Uu La Galo Sagna

Abdiwahab Ahmed

Tababaraha Arsenal, Wenger ayaa qiray inuu quus ka joogo heshiis uu la galo difaacyahanka baasha midi gee kooxdaas iyo xulka dalka France, Bacary Sagna, kaas oo heshiiska uu kooxda kula joogaa uu dhamaanayo dhamaadka xili-ciyaareedkan oo ay ka hadhsan tahay bil iyo badh.

Waxa la aaminsanaa in kooxda Arsenal ay heshiis la geli doonto difaaceedan, kaas oo uu kula sii joogi doono muddo kale, laakiin Wenger wuxuu tibaaxay in libaaxan baasha Midig looga gacan haadinayo Kooxda Manchester City iyo kooxo kale oo Talyaani ah oo ay ugu horreyso Juventus.

“Wada hadalladii ma socdaan” ayuu yidhi Wenger.
Iyadoo filashadu tahay in Sagna uu kooxda ka tegayo, ayaa waxa ay warbaahintu weydiiyeen tababare Wenger ciyaartooyada la filayo in ay kooxda yimaadaan, khaasatan weeraryahanka Loic Remy oo hadda amaah kula jooga Newcastle kadib markii kooxdiisii QPR ay u dhaadhacday heerka labaad, waxaanu Wenger diiday inuu saadaaliyo heshiis ay ciyaartoygaas la galaan, waxaanu yidhi “Waa weeraryahan wanaagsan, waxaananu eegi doonnaa dhamaadka xili-ciyaareedka, kumana hamiyeyno weeraryahanno aanu iibsanno”.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Abou Diaby Oo Markale Dhaawacmay Kana Baaqanaya Kulanka Newcastle

Ancelotti Oo Hiil Xummad Jebin Ah U Noqday Guardiola

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: