Wenger Oo Si Qiiro Leh Uga Hadlay Guushii Arsenal Ka Gaadhay Chelsea

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa sheegay in guushii 3-0 ahayd ee ay xalay kooxdiisa ka gaadhay Chelsea, ay ka mid tahay guulihii ugu wanaagsannaa ee sanadihii dambe soo maray.

Arsenal ayaa ciyaar wanaagsan soo bandhigtay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana 40-kii daqiiqo ee ugu horreeyay saddexda gool u kala dhaliyay Alexis Sanchez, Theo Walcott iyo Mesut Ozil.

Guushaasi ayaa ahayd tii ugu horreysay ee Arsenal ay ka gaadho Chelsea tan iyo sanadkii 2011, iyo weliba tii ugu xumeyd ee ay dusha u saarto tan iyo April 1997.

Arsenal ayaa hadda ku jirta kaalinta 3-aad ee shaxda kala horreynta kooxaha horyaalka, waxaana ay 5 dhibcood ka hooseysaa Manchester City oo hogaanka haysa.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Calaacalkii U Dambeeyey Ee Zidane Iyo Khilaafka Ronaldo

Mourinho Oo Shaqo Liidata U Diray Wayne Rooney

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com