West Brom V Liverpool: Saadaasha Line Up-Ka Iyo Warbixin Kooban

Kadib guul-darro qadhaadh oo Liverpool ka soo gaadhay ciyaartii Aston Villa ee FA Cup ee toddobaadkii hore, waxa ay haddana hor yaalla imtixaan kale oo ay u baahan tahay in ay ka gudubto si ay u xaqiijiso in ay ka mid ahaato shanta kooxood ee ugu sarreeya.

Liverpool waxay u baahan tahay in ay hesho dhibco ay kaga fogaato Tottenham iyo Southampton oo ku soo xiga.

Wakhtiga Ciyaarta: Sabti – 5pm galabnimo wakhtiga bariga Afrika

Garoonka: The Hawthorns

Ciyaartoodii u dambaysay West Bromwich Albion 1- 1 Liverpool

Garsoore:  R East

Line-Upka ay ku soo geli doonaan:

Liverpool v West Brom

 

Dhaawacyada:

West Brom: Foster,  Dawson, Mulumbu

Liverpool: Lallana, Lucas , Sturridge, Sakho

Milicsi Kooban:

West Brom:  lixdii ciyaarood ee u dambeeyey waxay badisay laba kulan oo kaliya, waxaanay khasaartay afar. Gool-dhaliyaha ugu goolasha badan kooxdan waa Berahino oo dhaliyey 12 gool

Liverpool: lixdii kulan ee u dambeeyey ee ay ciyaartay waxay badisay afar ka mid ah, labana waa laga badiyey. Gool-dhaliyaha ugu goolasha badan Liverpool tartanka Premier League waa Raheem Sterling oo u dhaliyey 7 gool.

Leading scorer Sterling 7

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mourinho & Wenger Oo Bilaabay Dagaalkii Hadalka Iyo Fàbregas Oo Xuddun U Noqday

Pfoff: “Barcelona Waxba maaha Messi La’aantii”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com