West Ham oo Chelsea ku dhex xasuuqday garoon buuq iyo sawaxan hadheeyey

West Ham ayaa u gudubtay quarter-finalka koobka EFL Cup kadib markii ay si kalsooni ah dhulka ugula dhaceen kooxda Chelsea ciyaar buuq iyo sawaxan hadheeyey oo ku dhex martay garoonka London Stadium.

Chelsea ayaa toddoba ciyaaryahan ka bedeshay shaxda ciyaaryahanadii 4-0 ta ku xasuuqay Manchester United Axadii, si ay uga hortagaan kooxda dhisme ahaan aadka u adkayd ee Dubeyaasha lagu naanayso.

Gool qurux badan oo uu ka xareeyey Cheikhou Kouyate qaybtii hore ee ciyaarta iyo mid uu masaafo 18 yard goolka u jirta kaga ganay Edimilson Fernandes daqiiqado uun kadib isu soo noqodkii qaybta labaad ayaa u saamaxay West Ham inay horu ugu sii socoto qaybaha kale ee tartanka, iyadoo ku dhex damaashaaday geggida ay fadhiyeen 45,000 ee taageere.

Gary Cahill ayaa dhamaadkii ciyaarta gool u soo celiyey The Blues, kaas oo aan u samayn wax isbedel ah marka laga reebo inuu natiijada ciyaarta ka dhigay mid la isku dhaw yahay laakiin siidhiga dhamaadka ayaa afka lagu hayay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

kulamada Xiisaha Badan Ee Carling-Cup ka Iyo Caawa

Man United OO Karbaashtay City Una Gudubtay Quarter Final

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com