West Ham Oo Ka Badbaaday Inay Ka Dhacdo Horyaalka Guuldarona Baday Tottenham

Kooxda West Ham ayaa ku guulaysatay inay xajisato ka sii mid ahaan shaha horyaalka Premier League kadib markii ay si qurux badan uga adkaatay naadiga Tottenham oo 10 ciyaaryahan ku ciyaaraysay.

Laba gool oo dhashay qaybtii hore ee ciyaarta, kuwaas oo ay kala dhaliyeen Stewart Downing iyo mid uu iska dhaliyey Harry Kane ayaa ka caawiyey inay ku xasuuqdo naadiga Hammers 2-0 , laakiin arinta West Ham aadka u caawisay ayaa ah casaankii Tottenham laga siiyey Younes Kaboul daqiiqadihii ugu horeeyey ee ciyaarta.