8:56 am - Monday May 29, 2017

West Ham Oo Racfaan Ka Qaadatay Casaankii Sofiane Feghouli

Aidarous
_feghouli

Kooxda West Ham ayaa gudbisay racfaan ka dhan ah casaankii la siiyey ciyaaryahan Sofiane Feghouli intii ay socotay ciyaartii Isniintii dhex martay kooxda Manchester United.

_feghouli

Laacibka khadka dhexe ayaa kaadhka casaanka ah uu ciyaarta kaga saaray garsoore Mike Dean kaas oo ka dambeeyey isku dhac kama ah oo dhex maray isaga iyo ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara naadiga shayaadiinta dharka cas lagu naanayso – Phil Jones, markii ay 15 daqiiqo oo kcadaaliya socotay ciyaarta naadiga lagu naanayso Dubayaasha, ay guuldarada 2-0 ka kala caraabeen.

West Ham tabobareheeda, Slaven Bilic ayaa sheegay in Jones “uu jilay filim” markii ay isku dhaceen ciyaaryahanka xulka Algeria.

27 jir, Feghouli, ayaa noqonaya ciyaaryahankii shanaad ee laga saaro kooxda tabobare Dean xili ciyaareedkan socda ee Premier League sanadkan.

Haddii sida sharcigu qabo la saaro ciqaabta cunaqabaynta saddexda ciyaarood ah ee casaanku wato, Feghouli wuxuu ka maqnaan doonaa, ciyaarta Jimcaha, FA Cup wareegiisa saddexaad ee ay ku wajahayaan Manchester City, sidoo kale kulanada horyaalka ,Premier League ay la kala ciyaarayaan kooxaha Crystal Palace iyo Middlesbrough.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Iibka Ciyaartoyga: Ciyaartooyo Waaweyn Oo Kusii Jeeda China

Tababare Diridhaba: “Waan soo Dhaweynaynaa Shuruucda ay Xidhiidhka Kubadda Cagtu kooxaha ku Amreen..”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com