Wiil Curyaan Ah Oo Ka Oohiyey Xulka Brazil

Neymar ayay ilmadu joogsan weyday kadib markii uu wiil yar oo laxaadka lugaha la’ xulka qaranka Brazil ay ku soo casuumeen tababarkii ay samaynayeen maalintii Khamiistii aynu soo dhaafnay.

Wiilkan curyaanka ah ayaa soo bandhigay khibradiisa kubada cagta , waxaanu lugihiisa itaalka yar  kubada ugu celceliyey si aad loola dhacay ka hor intii aanay xidigaha oo dhami ku soo ururin si uu khudbad yar ugu jeediyo , iyaguna dhagaystayaal uga noqdaan.

Xidiga kooxda Barcelona ee Neymar ayaa la arkayay isagoo ilmadu ka da’ayso oo eegi kari la innanka yar, isla markaana xaga dambe ee dhabarka ciyaaryahanka Thiago Silva isku qarinaya ilmadana garankiisa isaga baabi’inaya.

Emotinal neymarIntaa kadib, kooxdu waxay tababar ugu anbabaxeen dhinaca garoonka camuudu ka buuxdo ee xeebta Teresopolis, ee u dhaw magaalada Rio de Janeiro, halkaas oo ay maalintaas oo dhan ku qaateen.

Emotinal neymar cryTababaraha xulka qaranka Brazil, Scolari ayaa ku adkaystay in  ‘100 kiiba boqol uu hubo inay Brazil sanadkan koobka aduunka calfanayso.

‘Ma jiraan wax cadaadis ah oo saaran xulka Brazil,’ ayuu yidhi. ‘Brazil culays kuma saarna inay qasab tahay inay koobka aduunka qaadaan.

‘Laakiin shaqada tababarenimo maan qabteen haddii aanan hubin in Brazil koobka aduunka qaadayso.kooxda maan hogaamiyeen , ee gurigayga ayaan iska joogi lahaa.

‘Waxaan shaqadan qabtay  anoo 100 kiiba 100 aaminsan inaan koobkan aduunka cid kale qaadayn ee ay Brazil leedahay.’

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Falastiin Oo Taariikhda Markii Koowaad U Soo Baxday Tartanka Koobka Qaarada Aasiya

Talyaaniga Oo Uu Gilgilay Warka Naxdinta Leh Ee Montolivo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com