12:10 pm - Tuesday May 30, 2017

Wiilka La illoobay Ee Dany Welbeck Oo Dib Ugu Laabtay Arsenal

Abdiwahab Ahmed

Weeraryahanka Arsenal ee Danny Welbeck ayaa inyar u jira in uu dib ugu soo laabto tababarka Arsenal, sida uu xaqiijiyey Arsene Wenger uu xaqiijiyey.

Xiddigan Gunners ayaa la muddeeyey in uu tababarka bilaabo toddobaadka dambe, dibna uu garoomada ugu soo laabto oo uu ka maqnaa tan iyo bishii May ee sannadkan dhamaadka ah, markaas oo uu ku dhaawacmay ciyaar dhex martay Arsenal iyo Manchester City.

Tababare Wenger oo gellinkii hore ee Jimcaha shir jaraa’id ku qabtay Lonndon, ayaa waxa uu caddeeyey in Welbeck aanu beryahan awood u yeelan doonin in uu kooxda koowaad u ciyaaro, laakiin uu u baahan yahay in uu tababar badan sameeyo, si uu jidhkiisu diyaar ugu noqdo loollanka ciyaaraha.

“Danny Welbeck toddobaad ayaa uga hadhay inuu tababarkii caadiga ahaa ee kooxda ku soo noqdo. Dabcan, wakhti ayuu u baahan doonaa maadaama aanu muddo dheer ciyaarin.” Sidaas waxa yidhi tababare Wenger.

Welbeck ayaa la filayaa in uu wakhti ku qaato kooxda Arsenal ee ay da’doodu ka hoosayso 23 jirrada oo bisha January ay u qorshaysan tahay inay saddex ciyaarood yeeshaan, kuwaas oo ay kala hortegi doonaan da’yarta kooxaha Derby County, Southampton iyo Chelsea.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Zidane Oo Barbarreeyey Rikoodh U Yaallay Capello

Weeraryahanka Uu Goolhaye Buffon U Yaqaano Ka Ugu Khatarta Badan Wakhtigan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com