Willian La Arag-yaaba Waddo La Arrag

Kooxda tababare Jose Mourinho ayaa u muuqatay mid uu ka awdmay jidkii xoojinta hogaanka horyaalka Premier League , laakiin ciyaaryahanka khadka dhexe goolkii uu dhamaadkii ciyaarta shabaqa ku dhaq-dhaqaajiyey ayaa saddexdii dhibcoodba ula baxsaday.

Gool uu dhamaadkii ciyaarta shabaqa ku ruxay ciyaaryahan Willian ayaa u saamaxay Chelsea inay guul kagala hadho kooxda Everton ciyaar aan waxba la isula hadhin oo labada kooxood ku dhex martay geggida Stamford Bridge habeenkii Arbacada.

Jose Mourinho kooxdiisa ayaa u ekayd mid khalkhalsan maadaama ciyaartii dhamaad ku dhawdahay , warkana ay ku hayeen in Man CIty oo daba jimicsanaysay guulaysatay , waxaanay weeraro isdaba joog ah ku ekeeyeen goolkii Everton , 20 kii daqiiqo ee ugu dambeeyey ciyaarta.

Waa wakhtigan marka Nemanja Matic oo ahaa xidiga ciyaarta laga diiday gool uu madaxa sii taab siiyey laguna xukumay inuu ahaa Offside ama difaaca ka dambeeyey kubadii uu soo gannay Branislav Ivanovic.

Bedelka uu isa soo raaciyey Fabrigas iyo Drogba ayaa ciyaarta wax weyn ka bedelay, waana taas ta keentay natiijadii u dambeysay ee uu ciyaaryahanka reer Brazil kubad goolka ka soo noqotay oo uu si qurux badan ugu celiyey ay weydaarato goolwade Tim Howard oo is moog, Chelseana ku negaysay figta ugu saraysa horyaalka iyo todoba Dhibcood.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Video – Barcelona Garaacday Villarreal

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo Direys Guddoonsisay koox kubadda Cagta Dhagoolayaasha Hargeysa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com