“Dadka intooda badan sawir wanaagsan ayey ka bixinayaan Islaamka, sababtoo ah waxaynu u baahanahay in aynu muujino in ay tahay diin Nabadgelyo.” Sidaas ayey tidhi.


Warbixin uu qorayska ka soo baxa waddanka Ingiriiska ee The Sunday Telegraph ka qoray orodyahanka Mo Farah oo aanu qaybtiisii hore idiin soo gudbinay iyadoo ka hadlaysa bahdilaad loogu geystay diyaarad waddanka Maraykanka gudihiisa uu ka raacayey, ayaa waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaybtiisii labaad.

Tania Farah oo ah xaaska Mo Farah oo wargeyska uga warrantay qisooyinkan ayaa waxay qaybta maanta ay kaga hadlaysaa sida iyada iyo saygeedu ay ku yihiin diinta Islaamka, gaar ahaan salaadda, jacaylka iyo qorshe ah in ay maalin uun xajka tegi doonaan.

Tania, waxay sheegtay in Mo Farah ay is jeclaadeen wakhtigii ay iskuulka wada dhigan jireen, waxa ugu weyn ee isu soo jiidayna ay ahayd inay wadaagaan DIINTA ISLAAMKA, iyadoo iskuulkooduna ku yaallay meelaha ay dadka caddaanka ahi degaan ee magaalada London.

Waxay tibaaxday inay rajaynayso in maalin ay iyada iyo qoyskeeda oo dhami tegi doonaan magaalada Maka ee waddanka Sucuudiga Carabiya si ay u gutaan waajibaadka XAJKA.

Tania warbixintan laga qoray waxay ku sheegtay in mararka qaarkood ay ka baqato in DIINTEEDA ISLAAMKA ay ku soo bandhigto, waxaana ay tidhi: “Diintu muhiim ayay noo tahay ka sokow sida loo haysto.”

Xaaska Mo Farah oo ka sheekaynaysa in ay Salaadda tukadaan iyo in kale, waxay tidhi: “Ma Tukuno shan jeer maalintii, laakiin xaqiiqadu waxay tahay in aanu raacno mabaadi’da aasaasiga ah ee diinta, khaasatan carruurtayada.”

Iyada oo hadalkeeda sii wadata, kana sheekaynaysa walaac ay ka qabto in mararka qaarkood ay sheegato inay Islaam tahay, waxay tidhi: “Mararka qaarkood shaki ayaa iga gala inaan dadka u sheego inaan Muslim ahay, sababtoo ah waxa walaac igu abuura sida ay ii arki doonaan, taasina waa dhibaato, sababtoo ah waa inaan ku hanweynaado waxa aan ahay, laakiin waxa dareen i geliya sida maalmahan la noo arko.”

“Dadka intooda badan sawir wanaagsan ayey ka bixinayaan Islaamka, sababtoo ah waxaynu u baahanahay in aynu muujino in ay tahay diin Nabadgelyo.” Sidaas ayey tidhi.

Warbixintan waxa qoray wargeyska The Sunday Telegraph, waxaana afsomali ku turjuntay shabakadda ciyaaraha ee www.cadalool.com