6:51 pm - Monday August 21, 2017

Xabi Alonso: “Kooxihii naga adkaaday ayaa la wareegay hoggaanka horyaalka, maxaa Yeelay”

Aidarous

 

xabi-alonso-real-madridXiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Xabi Alonso ayaa qiray inay kooxdiisa Madrid dib ugu soo laaban doonto hoggaanka La Liga ka hor inta aanu dhammaan xagaagan.

Real Madrid ayaa laba guuldarro oo is-xiga kala kulantay kooxaha Barcelona iyo Sevilla, iyadoo Madrid ay u dhacday booska saddexaad ee kala horreynta horyaalka Spain, waxaana labadaas guuldarro ay yimaadeen iyadoo aan laga adkaatay Real 18-kulan oo ka tirsan horyaalka La Liga.

Sidaas oo ay tahay Xabi Alonso ayaa waxa uu kalsooni buuxda ku qabaa in kooxda uu hoggaamiyo tababare Carlo Ancelotti ay u dagaalami doonto sidii ay ku soo jari lahayd farqiga dhibcaha, iyadoo hadda saddex dhibcood ka hooseysa kooxda hoggaaminaysa horyaalka ee Athletico Madrid “Kooxihii naga adkaaday ayaa la wareegay hoggaanka horyaalka, maxaa yeelay? maanan u ciyaarin si wanaagsan, islamarkaana waxaan sameynay qaladaad badan.” ayuu Alonso u sheegay Website-ka rasmiga ah ee kooxda Real Madrid.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Real Madrid Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadhay Ganaaxa Barcelona Laga Saaray Sayladdaha Iibka Ciyaartoyga

Dhaawaca Pique oo fursad u noqday Shakira

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: