9:41 pm - Saturday July 22, 2017

Xanta Warbaahinta Iyo Xulashada Suuqa Iibka Ciyaaryahanada

Aidarous

Chelsea oo quudaraynaysa Xiddiga Milan Ee Sportelli

antonio-conteChelsea ayaa isha ku haysa laacibka naadiga AC Milan ee Moris Sportelli, kaas oo lagu tilmaamo inuu yahay ninka u dhigma Alessandro Nesta, iyadoo kooxda Stoke lafteeduna xiisaynayso helitaankiisa.

Xigasho: Tuttosport
Salaasa, December 6, 2016 15:21


West Ham waxay Damacsan tahay Fellaini oo amaah ah

gettyimages-6276656541West Ham ayaa quudaraynaysa heshiis amaah ah inay ku hesho Marouane Fellaini marka suuqa kala iibsiga ciyaaryahanadu uu dib u furmo. Kooxda tabobare Slaven Bilic waxay sidoo kale isha ku haysaa xod-xodashada goolwadaha Chelsea ee Asmir Begovic.

Xigasho: Evening Standard
Salaasa, December 6, 2016 13:15


Man Utd & Everton oo isku haysta Fontejose-fonte

Manchester United iyo Everton ayaa labaduba ka dhur sugya Jose Fonte kadib markii la sheegay kooxdiisa Southampton ay ka war-wareegayso heshiis cusub oo uu u saxeexi lahaa. Naadiga Southampton ayaan doonayn inay qandaraaska u kordhiyaan laacibka 33 jirka ah kaas oo heshiiska naadiga uu kula joogaa uu ka dhacayo dhamaadka xili ciyaareedkan.

Xigasho: Daily Mirror
Salaasa, December 6, 2016 00:51


Man City ka iibin mayso Hart naadi PL ka dhisan

joe-hartManchester City ayaan damacsan inay u ogolaato goolwade Joe Hart inuu isaga huleelo kooxda kuna baxo qiimo aad u hooseeya oo la sheegayo inuu ku dhaw yahay xataa £10 million, laakiin aan aqbali doonin ama ka yeeli doonin qiime ka hooseeya £20m inay ku soo dalbato koox horyaalka Premier League ay ka wada ciyaaraan.

Xigasho: The Sun
Salaasa, December 6, 2016 00:49


Kondogbia oo xor u ah inuu ka tago Inter

geoffrey-kondogbiaCiyaaryahanka diirada Liverpool saran tahay ee Geoffrey Kondogbia ayaa loo ogolaan doonaa inuu ka tago Inter Milan marka la gaadho bisha January suuqa kala iibsiguna dib u furmo, isaga iyo Jonathan Biabiany, Davide Santon, Felipe Melo iyo Stevan Jovetic kuwaas oo iyaguna sidoo kale loo furay albaabka bixida San Siro.

Xigasho: Gazzetta dello Sport
Isniin, December 5, 2016 18:01


Ozil & Sanchez oo doonaya mushaharka Pogba mid lamid ah

ozil-sanchezLabada ciyaaryahan ee kooxda Arsenal ayaa albaabka hoosta uga xidhay wadahadalada kordhinta heshiisyada ay naadiga kula joogaan, kuwaas oo ku xidhay in jeebka loo galiyo mushahar la mid ah ka uu qaato xiddiga Manchester United ee Paul Pogba, oo todobaadkii qaata aduun dhan £290,000.

Xigasho: Evening Standard
Isniin, December 5, 2016 11:35


Kooxaha horyaalka PL oo indho-indhaynaya xaalada Andre Silva

andre-silvaArsenal, Chelsea, Liverpool iyo labada Manchester ayaa u dirtay wufuud la socota oo soo indho indhaysa xaalada weeraryahanka naadiga Porto ee Andre Silva todobaadkan, kuwaas oo dhamaantood damacsan inay galaan qorshihii ay kula soo wareegi lahaayeen xiddigan xulka qaranka Portugal.

Xigasho: A Bola
Isniin, December 5, 2016 09:38

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Halkee La Kala Marayaa Tartanka Gool-dhalinta Premier League.?

paul inc oo mourinho digniin u diray

Digniin Iyo Ammaan Isku Dhafan Oo Paul Ince Huwiyey Jose Mourinho

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: