Xasan Waraabe-Cadde Oo Si Cilmiyeysan Uga Hadlay Shaqaaqadii Hargeysa Stadium, Soona Bandhigay Xalka Mushkiladaha Ciyaaraha

Khabiirka ciyaaraha Somaliland, ahna guddoomiyihii hore ee guddida Olymiga Somaliland, Xasan Waraabe-cadde ayaa ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday garoonka kubadda cagta Hargeysa Stadium oo sababtay dhaawaca dhawr iyo labaatan qof, kaddib markii ay isku dhaceen dhallinyaro ka gadoodday natiijada ciyaartii gobollada HAWD vs DAAD-MADHEEDH iyo ciidanka Booliska.

Xasan waraabe-cadde oo u warramay shabakadda ciyaaraha ee CADALOOL, ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay sidii ay wax u dhaceen, laakiin sideedaba falka noocan ah uu yahay mid ka baxsan anshaxa ciyaaraha, loona baahan yahay in laga gudbo.

“Waxaan aad uga xumahay dhacdadii ka dhacday garoonka oo ka baxsan anshaxa ciyaaraha kubadda cagta oo ah guul iyo guul-darro, ninka aan guul-darrada qaadan karina guul ma qaadan karo.” Sidaas ayuu yidhi Xasan.

Khabiirkan ciyaaraha kala duwan ee wakhtiga dheer u heellanaa horumarinta ciyaaraha iyo u adeegista dhallinyaradu, waxa uu mar kale caddeeyey in uu ka soo horjeedo qabashada ciyaaraha gobollada badan ee Somaliland oo uu xusay in ay u eegyihiin ama dadka qaar u nisbeeyaan inay ku sallaysan yihiin hab qabiil, waxaanu yidhi: “Anigu in badan ayaan ka soo horjeeday ciyaaraha gobollada, walina waan ka soo horjeeday, sababtoo ah markii ay gobolladu lixda ahaayeen waxay ahaayeen kuwo isku tiirsan oo dhinac walba loo tirin karayo, laakiin hadda, gobolladii ayaa u ekaanaya qaab qabyaalad oo kale ah, ama xaafadaha qaar ayaa iska aaminay in reer hebel ciyaarayo ama loo nisbaynayo. Markaa sidii aan horeba u idhi, waa in lagu soo celiiyo qaabkii lixda gobol ahaa ama la iska daayo.”

Xasan Waraabe-cadde waxa uu soo jeediyey ciyaaraha gobolladu lagu beddelo tartamo loo qabto iskuullada, xiisadna lagu siiyo ardayda, si caqligoodu u dhismo, taas oo lagu darayo in garoonka Hargeysa Stadium loo sameeyo laba albaab oo dhinaca woqooyi ah, kuwaas oo marka uu garoonku buuxo la furso si aanay dadku isku jiidhin.

Ciyaartooyada gobollada ayaa intooda badan laga xulay magaalada Hargeysa, ayaa uu sheegay in ay niyad jebinayaan ciyaartooyada ku sugan gobollada oo iyagoo diyaar ah fursaddooda la siiyo dad ka ciyaara magaalada Hargeysa.

Dadweynaha magaalada Hargeysa, ayaa uu usoo jeediyey in ay fahmaan ujeeddada ciyaaraha oo ah is-dhexgal, jid-dhis, ladagaallanka balwadaha iyo yaraynta tahriibta, laakiin ay ka madax-bannaan yihiin dagaal iyo rabshad.

Madaxweyne Siilaanyo ayuu ku amaanay sida uu ugu hagar-baxo dhiirigelinta dhallinyarada.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Shaqaaqadii Hargeysa Stadium Iyo Hanjabaad Uu Diray

Muuqaal: Daawo Goolashii Lakala Dhaliyey Kulankii HAWD IYO DAAD-MADHEEDH

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com