2:50 pm - Saturday May 27, 2017

Xavi Oo Ka Hadlay Xaladda Qaxootiga Suuriya

Abdiwahab Ahmed

xavi1

Xiddigii Hore ee xulka qaranka Spain iyo Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin qaxootiga dunida oo qaar ka mid ah uu ku booqday waddanka Jordan.

Xavi waxa uu ka sheekeeyey xaaladda ba’an ee ay ku nool yihiin qaxootiga ku jira xeryaha ku yaallada waddanka Jordan, kuwaas oo ka soo qaxay dagaallada ka socda waddanka Suuriya.

“Waxa laygu casuumay xerada qaxootiga ee Baqa’a ee Jordan, aniga oo ah Ambassadorka Generation Amazing. Ujeeddada aan u tegay waxay ahayd inaan la kulmo da’yarta qaxootiga ah eek u nool halkaas si aan khibraddayda kubadda cagta ugu gudbiyo. Waxaan halkaas ku soo arkay waxyaabaha kala duwan ee ay bulshooyinku samaynayaan. Wakhti badan ayaan ku qaaday, waxaanan la kulmay wiilal iyo hablo cajiib ah oo isku caawinaya awoodda kubadda cagta” sidaas ayuu yidhi Xavi.

xavi2

Xavi Hernandez waxa uu tibaaxay in waddamada Bariga Dhexe, Woqooyiga Afrika iyo Turkey ay ku nool yihiin dad badan oo kubadda cagta xiiseeya. Si gaar ahna waxa uu farta ugu fiiqay xerada qaxootiga ee Baqa’a iyo meelaha kale ee gobolka ku yaalla oo laga wado mashruuc loo bixiyey Generation Amazion oo casharro horumarineed siinaya qaxootiga, si isbeddel loogu sameeyo hannaanka fikirkooda, fahamka iyo nolol-jiritaankoodii hore ee dagaalladu wiiqeen.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Zidane: Wakhti Adag Ayaanu Ku Jirnaa

Halkay Maraysaa Qaban-qaabadii koobka Gobolada S/Land?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com