Xavi: Xiligaygii, Mascherano iyo Messi kumay raaxaysan jirin u ciyaarista xulkooda Argentina

Markii aan joogay Barcelona, Waxaan ka arkayay dareenka [Lionel Messi
Argentina waa xul bilaa nasiib ah - Xavi

Ciyaaryahanka wakhti xaadirkan ka tirsan kooxda reer Qadar ee Al-Sadd, Horena Barcelona khadkeeda dhexe u soo shiday ee Xavi Hernandez ayaa sharaxay sababta xulka qaranka Argentina ku keentay fashilka ah inay koobab caalami ah ku guuleystaan, iyo sida qaar kamid ah xidigii ay hore ugu soo wada ciyaareen Barca aanay ugu faraxsanaan jirin u ciyaarista iyo metelista xulka qarankooda.

Waxa kale oo uu tilmaamay aragtidiisa ku wajahan xaalada kooxdiisii hore ee Barcelona.

“Argentina waxay weyday nasiibkii ay koobab ku qaadi lahayd,” ayuu ku yidhi ‘Estudio futbol’ faraciisa channel TyC Sports.

“Waxay u baahnaayeen inay ahaadaan kuwo si aad ah u midaysan si ay ugu guuleystaan koobab muhiim ah.

“Markii aan joogay Barcelona, Waxaan ka arkayay dareenka [Lionel Messi iyo Javier Mascherano] inaanay ku raaxaysanin u ciyaarista xulka qarankooda.”



Argentina Oo Rajadii Koobka Aduunka Mugdi Ka Galay Kadib Barbar Dhicii Venezuela


Lionel Messi? Radamel Falcao? Alvaro Morata? Waa Kuma Weeraryahanka Ugu Halista Badan Yurub?


Xulka qaranka Argentina ayaa wakhti xaadirkan ku sugan kaalinta isreeb reebka koobka aduunka – qarkana u saran inay ka hadho oo u soo bixi kari weydo koobka aduunka 2018 ka Ruushku marti galin doono, si kastabase ha ahaatee, Xavi ayaa aragti toggan ka aminsan iyo in xulka lagu naanayso the Albiceleste ay u soo bixi doonaan ciyaaraha koobka aduunka.

“Ma sawiri karo muuqaalka iyo xiisaha laga heli doono koob aduun uu Messi ka maqan yahay,” ayuu yidhi laacibka hore ee xulka Spain.

“Xulalka isku soo reeb reeba qaarada Koonfurta America, waa sida kuwa tartanka Yurub oo kale, Waxaan hubaa inay u soo bixi doonaan, waliba kamid noqon doonaan xulalka loo saadaalin doono ku guuleysiga koobka adduunka.

“Messi wuxuu haystaa ciyaaryahano aad u qaali ah.

“Mascherano ayaa si fiican ula yaqaan, Ever Banegana waa ciyaaryahan aan aad u jecelahay.”

Ciyaaryahanada xulka Argentina ayaa had iyo jeer dhibenayaal u ah, dhaleecayn ba’an iyo ceebayn joogto ah.

“Xulka Argentina, ciyaaryahanada qaranka u safanayaa maaha kuwo la qiimeeyo tayadooda, isreeb reebkuna waa mid aad u dhib badan, Maan fahmin waxa loo cambaareeyo had iyo jeer,”ayuu yidhi.

Xavi wuxuu sidoo kale iftiimiyey sababtii, Barcelona iyo Xulka Spain guulaha ay ku gaadheen sanadii 2010 kii.

“Barcelona waxay u gudbisay qaab ciyaareed xulka Spain,” ayuu fashiliyey.

“La qabsigii ciyaaryahanada ee fikradaas ayaana aas-aas iyo sees u ahaa guusha.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

West Ham Iyo Tottenham Oo Lagu Ganaaxay Xakamayn La’aantii Ciyaaryahanada Kulankii Derbiga London

Juventus vs Olympiacos 2-0 ~ All Goals & Highlights ~ Champions League 2017

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com