mustafe-messi2

Xiddiga weerarka uga ciyaara xulka gobolka Saaxil ee Mustafe Saleebaan (Mustafe Messi) ayaa ka sheekeeyey marxaladihii xirfaddiisa kubadda cagta soo martay iyo halka uu maanta taagan yahay ee ah in uu hormood u yahay xulka gobolka Saaxil.

Mustafe Messi oo laba goo loo qurux badan u dhaliyey gobolka Saaxil ciyaartii furitaanka ee tartanka Ciyaaraha gobollada Somaliland oo 4-0 ay ku karbaasheen Xaysimo, kana mid ah ciyaartooyada tirada yar ee intii uu tartanku socday ay dadka ciyaaraha aqoonta u lihi ku tilmaameen inay xiddig noqonayaan, ayaa waraysi uu siiyey shabakadda ciyaaraha ee CADALOOL waxa uu ku sheegay in uu ku niyadsan yahay in gobolkiisu qaadi doono koobka gobollada markiisii ugu horreeyey.

messi

Mustafe Messi oo ugu horreyn ka hadlaya halka uu ka soo bilaabay ciyaaraha illaa uu gaadhayey heerka uu maanta taagan yahay waxa uu yidhi: “Kooxaha heerka kala duwan ee Hargeysa ayaan ka soo ciyaaray, illaa aan ka gaadhayey heerka koowaad oo aan imika ka tirsanahay kooxda Ciidanka Qaranka JSL. Ka hor, waxaan u ciyaaray kooxda heerka koowaad ee Dawladda Hoose ee Hargeysa intii aanan Kooxda ciidanka qaranka ku biirin. Waxa iyaduna iiga sii horreysay kooxda 17 May ee ka dhisan magaalada Hargeysa.”

messi messi1 mustafe-messi mustafe-messii

Xulka gobolka Saaxil ee uu hadda ka tirsan yahay, ma aha gobolka kaliya ee uu Mustafe u ciyaaray tartanka gobollada, hase yeeshee, waxa uga horreeyey oo sannadkii 2013 uu ka mid ahaa xulkii gobolka Togdheer ee khilaaf soo dhex-galay darteed kaga hadhay ciyaarihii gobollada ee lagu qabtay Hargeysa. Isaga oo arrintaas milicsanaya waxa uu yidhi: “Aniga sannadkani iiguma horreyso ciyaaraha gobollada. Waxaan ka mid ahaa xulkii Togdheer ee 2013 Hargeysa u yimid inay tartanka gobollada ka qayb-galaan, laakiin khilaaf ciyaartoyga dhexdeeda ah uga hadhay.”

Mustafe Saleebaan (Messi) waxa uu xusay in xulka gobolkiisu ay yihiin kuwo u diyaarsan in ay koobkan qaadaan ama meel fiican ka gaadhaan, gaar ahaanna isku-xidhka ciyaartoyga, gaar ahaanna waxa uu bannaanka soo dhigay sirtii ka dambaysay guushii ay ka gaadheen Xaysimo, waxaanu yidhi: “Kulankii Xaysimo ee aan labada gool ka dhaliyey, waxay noogu suurtogashay guushu, waxa aanu ka faa’iidaysanay fursadihii aanu helnay iyo in aanu dedaal dheeraad ah muujinay.”

Madaxda qaranka oo ay horkacayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo marwadiisa Aamina-Weris ayaa ciyaartii furitaanka ee Saaxil guusha gaadhay daawanayey, taas oo dareenno kala duwan u ahayd ciyaartoyga. Mustafe oo ka hadlaya wixii uu dareemay markii uu ogaaday in madaxdii qaranku daawanayso, waxa uu yidhi: “Wallaahi, farxad ayey ii ahayd, in madaxda qaranka hortooda aan goolal ku dhaliyo, guulna si wada jir ah u gaadhno xul ahaan.”

Mustafe Messi waxa uu u mahad celiyey tababareyaashii kala duwanaa ee soo gacan-qabtay intii uu xirfadda kubadda cagta ku jiray iyo cid kasta oo ku dhiirigelisay si uu heerkan u gaadho, waxaanu carrabka ku adkeeyey in uu ku hamiyayo in uu hore usii wado xirfadda kubadda cagta oo uu heer ka gaadhi doono.