Xiddigaha Reer Spain Iyo Kulankii Chelsea iyo Arsenal – 7 Ciyaaryahan Oo Isku Wadan Ah Oo Safnaa

Ciyaartii Premier League ee Chelsea garoonkeeda ku marti galisay kooxda Arsenal ayaa isu bedeshay bandhig ay muquuniyeen xiddigaha Spanish ka ahi, iyadoo todoba ciyaaryahan ooh al wadan ka soo jeedaa ay kamid ahaayeen laacibiinta labada naadi safka hore u xusheen.

Morata, Pedro, Cesc, Marcos Alonso iyo Azpilicueta ayay dhamaantood ku bilowday kooxda Chelsea Halka Bellerin iyo Monreal ay kooxda ka soo horjeeda safka hore ugu soo jireen.

Spaniards in Chelsea-Arsenal 2017-2018

  • Morata (Chelsea)
  • Azpilicueta (Chelsea)
  • Marcos Alonso (Chelsea)
  • Cesc (Chelsea)
  • Pedro (Chelsea)
  • Bellerín (Arsenal)
  • Monreal (Arsenal)

Ciyaartani ma ahayn tii ugu horeysay ee ay tiro intaas leeg oo ciyaaryahano reer Spain ahi saftaan, waxaana ka horeeyey todobadii ciyaarood ee ay labadan kooxood wada yeesheen ee ugu dambeeyey, mid walba ugu yaraan shan ciyaaryahan oo Spain ka soo jeeda ayaa kamid noqonayay xidigaha lagu bilaabo ciyaarta, Kulankii ay ugu yaraayeena wuxuu, midii shanta ciyaaryahansafteen ee ay Arsenal 0-1 Chelsea kaga guuleysatay laba xili ciyaarood ka hor.

Spaniards in Chelsea-Arsenal starting 11s

  • Chelsea-Arsenal (Premier 2017-2018): 7
  • Arsenal 1-1 Chelsea (Community Shield 2017): 6
  • Arsenal 2-1 Chelsea (Final FA Cup 2016-2017): 6
  • Chelsea 3-1 Arsenal (Premier 2016-2017): 6
  • Arsenal 3-0 Chelsea (Premier 2016-2017): 6
  • Arsenal 0-1 Chelsea (Premier 2015-2016): 5
  • Chelsea 2-0 Arsenal (Premier 2015-2016): 7

Ciyaarta haysata rikoodhka tiradii ugu badnayd ee ciyaaryahano reer Spain ahi safka hore saftaan, waxay ahayd kulankii Arsenal iyo Middlesbrough ee xili ciyaareedkii u dambeeyey, taas oo ay 8 ciyaaryahan oo Spanish ahi ciyaareen.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Royals fall 3-2 to Indians

Full Highlights: Chicago Cubs vs St.Louis Cardinals

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com