Xiddigii Reer Brazil Ee Ronaldo Oo Shaaciyey In Uu Ciyaaraha Ku Soo Noqday Iyo Kooxda Uu U Ciyaari Doono

R9.

Afar sannadood ayuu ka maqnaa garoomada kadib markii uu ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba ka fadhiistay ciyaaraha kubadda cagta, hase yeeshee laacibkan hore ugu soo ciyaaray kooxaha ugu waaweyn dunida ayaa shaaciyey in uu dib ugu soo laabtay ciyaaraha kubadda cagta oo uu ka bilaabi doono naadiga Fort Lauderdale.

Ronaldo oo saami ku leh kooxda kooxda lagu magacaabo NASL, da’diisuna tahay 38 jir ayaa waxa uu ku biiri doonaa naadiga Maraykanka ah ee Fort Lauderdale oo uu ka mid noqon doono weeraryahannada ay ku dagaal geli doonto.

Ronaldo oo u soo ciyaaray kooxaha Barcelona, Inter Milan, Real Madrid, Ac Milan, Ajax iyo kooxo kale ayaa waxa uu saami badan ku leeyahay horyaalka Woqooyiga Maraykanka ee lagu magacaabo NASL, kaas oo ah horyaalka heerkka labaad ee dalka Maraykanka, waxaana xiddigan hore halkaas ka soo gasha lacag badan.

Horyaalka uu saamiga ku leeyahay waxa ka lacag badan oo kaliya kubadda cagta dalka Maraykanka MLS, waxaana sida uu shaaciyey wargeyska Lance uu Ronaldo dib u bilaabayaa ciyaaraha isagoo ka muuqan doona dalka Maraykanka.

R9..

Ronaldo ayaa bishii December waxa uu ka mid noqday maamulka kooxda Fort Lauderdale Strikers, waxaanu saamayn badan ku yeeshay maamulka kooxda.

Magacii hore ee kooxdan ayaa ahaa Miami FC, haddase waxa loo bixiyey Fort Lauderdale Strikers sannadkii 2013.

Ronaldo ayaa intii uu ciyaaraha caalamiga ah ku jiray waxa uu dalkiisa u qaaday laba koob adduun sannadihii 1994kii iyo 2012, isaga oo laba gool ka dhaliyey ciyaartii faynalka ee Germany ay koobka adduunka kaga guuleysteen.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Neymar Oo Ku Sigtay In Uu Feedh ku Dawakhiyo taageere Manchester City Ah

Kaka Oo Loo Magacaabay Kabtanka cusub ee Orlando City

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com