Xidhidhka FIFA Oo Soo Saaray Musharaxiinta Abaal-maarinta Xidiga K/Cagta Addunka 2016/17

Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Neymar ayaa uu sharaxaan abaal-maarinta xidiga sanadka ee xidhidhka kubada cagta addunka ay sanad kaste bixiso, waxaana sida ay ku shegeen warsaxafadeed ay soo sareen Jimcihi shalay.

Ronaldo ayaa door wayne ka ciyaaray guulihi kooxdisa Real Madrid inay sanadkii labaad oo xidhidhsan ku guulaystan koobka horyaalka Champions League isago noqday laacibkii ugu goolasha badna (12 gool) uu dhaliyee, waxaa kalo iyaguna liistada kula jiraa Lionel Messi iyo Neymar oo hoorseeday in naadiga Barcelona ku guulaystan koobka Spanish King’s Cup islamarkaana Neymar ka hor intanu ka tegin naadiga uu horyaalka La Liga gool dhalinta 37 gool xili-ciyaareedki hore uu dhaliyee. Kabtanka kooxda Juventus, goolhayee Gianluigi Buffon ayaa isna ku jiraa liistada magaacyada kama dambaysta ah ee goolhayaha ugu wanagsan kadib markii uu ku hogaamiyee naadiga Taliyaniga qadaan koobki lixaad oo xidhidhsan horyaalka dalka Taliyaniga ee Serie A, iyo sidoo kale koobki 3ad oo xidhidh ah Italian Cup isla markaana kaalinta labaad ku dhamaystay kulankii kama dambaysta ah ee Champions League.

Waxaa iyaguna la tartamayaa abaal maarinta goolhayaha Real Madrid Keylor Navas iyo goolhayaha Bayern Munich Manuel Neuer, halka tobabarayasha ay uu sharaxan yihiin abaal maarinta tobabarihii ugu wanaagsana Zinedine Zidane, Antonio Conte Chelsea iyo tobabaraha naadiga Juventus Massimiliano Allegri ayaa iyaguna uu sharraxaan abaal-maarinta tobabaraha uu wanagsan sanadka (2016/17).

Dhanka haweenka, haweenayda uu wanagsanayd sanadka 2016/17 oo ay uu tartaami doonan wareeryahanka xulka Venesuela Deyna Castellanos, xidigada khadka dhexe xulka Maraykanka Carli Lloyd iyo Leike Martens oo xulka Holland ka cawisay guushi koobka Euro 2017.

Xaflada lagu bixin doono abaal-maarinta xidhidhka FIFA ee kubada cagta addunka kana dhicii doonta magaladda London ee dalka Ingiriiska 23 bisha Oktoober sanadkan. Waxaana halkan ka akhrisata liistada magaacyada iyo abaal-maarinta ay u sharaxan yihiin; The Best FIFA Men’s Player:

  • Cristiano Ronaldo (Real Madrid and Portugal)
  • Lionel Messi (Barcelona and Argentina)
  • Neymar (Barcelona/Paris Saint-Germain and Brazil)

The Best FIFA Women’s Player:

  • Deyna Castellanos (Santa Clarita Blue Heat and Venezuela)
  • Carli Lloyd (Houston Dash and United States)
  • Lieke Martens (Rosengard/FC Barcelona and Netherlands)

The Best FIFA Men’s Coach:

  • Massimiliano Allegri (Juventus)
  • Antonio Conte (Chelsea)
  • Zinedine Zidane (Real Madrid)

The Best FIFA Women’s Coach:

  • Nils Nielsen (Denmark)
  • Gerard Precheur (Lyon)
  • Sarina Wiegman (Netherlands)

The Best FIFA Goalkeeper:

  • Gianluigi Buffon (Juventus and Italy)
  • Keylor Navas (Real Madrid and Costa Rica)
  • Manuel Neuer (Bayern Munich and Germany)

FIFA Puskas Award:

  • Kevin-Prince Boateng (Las Palmas, 23 October 2016)
  • Alejandro Camargo (Universidad de Concepcion, 4 December 2016)
  • Deyna Castellanos (Venezuela Under-17 women 24 October 2016)
  • Moussa Dembele (Celtic, 5 February 2017)
  • Olivier Giroud (Arsenal , 1 January 2017)
  • Aviles Hurtado (Tijuana Xolos, 1 April 2017)
  • Mario Mandzukic (Juventus, 3 June 2017)
  • Oscarine Masuluke (Baroka FC, 30 November 2016)
  • Nemanja Matic (Chelsea, 23 April 2017)
  • Jordi Mboula (Barcelona Youth, 22 February 2017)

FIFA Fan Award:

  • Borussia Dortmund
  • Celtic
  • Copenhagen

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wararkii Ugu Dambayee Horyaalka NBA: Carmelo Anthony, Miyuu Ka Tegayaa Naadigisa New York Knicks

Wereeryahanka Chelsea Diego Costa Uga Dambayntii Laga Iibinayo Atletico Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com