Xidhiidhka FA-ga Oo shaaca ka Qaaday Mustaqbalka Tababaraha Xulka England

 

 

Kadib markii xulka saddexda libaax ee England ka hadheen koobka aduunka ee sannadkan lagu qabanayo dalkaasi Brazil ayaa waxaa soo baxayay shaki badan oo hadheeyay mustaqbalka macalinka xulkaasi Roy Hodgson kaasi oo loo badinaayay sidii loogu bartay FA-da in ay burin doonaan balse kalsooni kale ayaa la sii siiyay.

Markii xulka Costa Rica 1-0 kaga badiyeen Italy ayaa waxaa xaqiiq noqotay in England ay si rasmi ah ugu hadhay koobka aduunka balse waxaa hore sidaa u sameeyay wadamo iyada ka waawayn ee sid Spain oo ahayd wadankii haystay iyada oo aan soo dhaafin heerka guruubyada.

Guddomiyaha xidhiidhka FA-da Greg Dyke ayaa waxaa uu si cad u sheegay in macalin Hodgson uu sii hayn doono xilkiisa ilaa koobka 2016 European.

Championship ama koobka qaramada qaarada yurub waxaana uu intaa  daray in uu wax badan qabtay dadaalkiisina uu sii wadi doono xulka.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Cunsuriyiin Cusub oo faro ba’an ku haya ciyaaraha Adduunka!

Tababare Vicente del Bosque Oo dib u dhigay Go’aankiisa uu kaga tanaasuli lahaa Laylinta Qaranka Spain

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com