2:54 pm - Saturday July 29, 2017

Xidhiidhka FA Oo Go’aamiyey In Aan La Ganaaxin Lallana Iyo Henderson

Abdiwahab Ahmed

lallana-and-henderson

Xidhiidhka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee FA ayaa la sheegay in aanu ganaaxi doonin labada ciyaartoy ee khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka dalkaas ee Jordan Henderson iyo Adam Lallana, kaddib markii ay safar dheer u baxeen toddobaadkii hore wakhti xulka qarankoodu uu isku diyaarinayey ciyaar saaxiibtinimo oo uu la yeelanayey Spain.

Labada ciyaartoy ayaa safarka u baxay maali kaddib ciyaartii isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Scotland, wakhtigaas oo ahayd saddex maalmood oo kaliya ka hor ciyaartii Spain.

Ilo wareedyo u dhow xidhiidhka kubadda cagta ayaa waxa kale oo ay sheegeen in kabtanka xulka qaranka Wayne Rooney uu u gudbiyey xidhiidhka FA raalligelin uu ka bixiyey hab-dhaqankiisii xumaa ee khamriga uu ku cabbay hotelka iyadoo uu ka baxay halkii ay ciyaartoygu joogeen. Waxa kale oo lagu sawiray isagoo jooga xaflad aroos ah, khamri badana uu cabsan yahay.

Wargeyska The Sun ayaa daabacay sawirrada Rooney oo muujinaya in uu cabsanaa habeenimadii Sabtida ee xulka dalkiisu uu 3-0 kaga badiyey Scotland ee 11 November, laakiin isla markii ay muuqaalladu soo baxeenba waxa uu raalligeliyey tababaraha England, Gareth Southgate.

31 jirkan oo sidoo kale ah kabtanka kooxda Manchester United ayaa waxa uu ka cowday sida loola dhaqmay oo ah in si ba’an loogu aflagaadeeyey warbaahinta, taageereyaashuna ay hadalllo aan wanaagsanayn ku dureen.

Xidhiidhka FA, ayaa sidoo kale waxa loo gudbiyey cabashooyin badan oo ah in ciyaartooyo dhawr ah ay ka habsaameen tababarkii xulka ee maalintaas, waxaana go’aan ay ka soo saareen ay ku amreen in habeenkii aanu ciyaartoygu ka bixi karin hotelka uu deggan yahay wakhtiga uu xulka la socdo.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Hector Bellerin

Hector Bellerin Heshiis Cusub U Saxeexay Arsenal

Justin Bieber Fanaanka Reer Maraykan Oo Kooxda Barcelona Tabbobar La Qaatay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: