Xidhiidhka FIFA Oo aqoonsan wayday Saddexdii Gool Ee Lukaku ka dhaliyey  kulankii Luxembourg 

Xidhiidhka  Kubadda Cagta FIFA ayaa shaaca ka qaaday in aanu  aqoonsanayn diiwaanka kulammada sharciga ah ee xulka Belgium uu ciyaaray  kuna dari doonin kulankii Belgium iyo Luxembourg ee saaxiibtinimo toddobaadkii la soo dhaafay kaasoo 5-1 ay guushu ku raacday Belgium.

Waxaa kulankaasi soo hoos galaya oo la tir tiray saddexdii gool (hat-trick) uu weeraryahan Romelu Lukaku u dhaliyay xulkiisa ciyaartaasi iyo dhammaan goolashii kale ee ay dhaliyeen saaxiibadii, waxaana farriin ay soo bandhigtay FIFA ay ku sheegtay in ay kulankaasi ay u diiwaan gelin waayeen sababtoo ah Belgium waxa ay sameysay beddello fara badan oo ka baxsan intii loogu talo galay. Sida ku cad Distoorka FIFA kulammada caadiga ah waxaa xulalka loo oggol yahay saddex beddel, halka haddii ay saaxiibtinimo tahayna loo ogol yahay illaa lix beddel, laakiin tababaraha Belgium Marc Wilmots ayaa sameeyey 7 beddel.

Nasiib-darrada ugu weyn ee kulankaasi la aqoonsan waayay ay ku dhacaysaa Lukaku oo goolashii uu xulkiisa Belgium u dhaliyay oo 9 sii marayay laga jaray oo laga dhigay 6 gool.