6:44 pm - Monday August 21, 2017

Xidhiidhka  FIFA oo sheegay in haddii laaluush bixin ku caddaato Qatar markale loo coddeyn doono Marti gelinta K/Adduunka 2022-kii

Khadar Dirir

Guddoomiye ku-xigeenka xidhiidhka kubadda cagta FIFA Jim Boyce ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo in laga qaado waddanka Qatar marti gelinta ciyaaraha koobka Adduunka 2022-kii  haddii la soo xaqiijiyo inay lacag ku bixiyeen arrintaasi.

Isagoo shalay u warramayay Idaacadda BBC-da ayuu Guddoomiye ku-xigeenku sheegay in war laga sugayo guddiga baadhitaanka FIFA kaddib markii wargeyska The Sunday Times ee Ingiriiska uu qoray in Qatar ay 5-Milyan oo Euro ku bixisay sidii loogu oggolaan lahaa ku qabashada ciyaaraha dunida dalkeeda.

Jariidaddu waxay xustay in Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee FIFA Bin Hammam uu 1.6 Milyan oo Dollar uu Bankiga ugu shubay Jack Warner, Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee FIFA si uu u dardar geliyo in Qatar loo aqoonsado dalka marti gelinaya koobka Adduunka 2022-kii, isagoo sidoo kalena laaluush u qaybiyay dhammaan xidhiidhada sar sare ee xubnaha ka ah FIFA. Waxaa kale oo Warbixintu ay intaa sii raacinaysaa in Warner oo xilka Guddoomiyenimada FIFA ka degay 2011-kii uu ka mid ahaa 22 xubnood oo Ruushka u doortay marti gelinta koobka Adduunka 2018-ka, Qatar-na u gacan geliyay koobka adduunka 2022 iyadoo doorashada labadaasi koob adduun muran ka taagan yahay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Dante: “Maqnaanshaha Mandzukic waxay niyad jab ku tahay xulka Croatia”

De Jong: Qof kastaa ma noqon karo Messi iyo Ronaldo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: