Xidhiidhka Ingiriiska Oo Xaqiijiyey wakhtiga ay Arsenal ciyaari doonto Semi Finalka FA Cup

Xidhiidhka kubadda cagta wadanka Ingiriiska ee FA ayaa xaqiijiyey wakhtiga ay Arsenal la ciyaari doonto semi-final-ka koobka FA Cup oo ay foodda isku dari doonaan naadiga Reading.

Xidhiidhka ayaa shaaciyey in bisha April ee soo socota 18-keeda ay kooxda tababare Wenger kula ciyaar i doonto garoonka Madejski Stadium kooxda uu tababaro Steve Clarke fiidnimada Sabtida ee 18 April.

Aston Villa ayaa iyaduna waxa ay 19 April la ciyaari doontaa midka soo baxa Liverpool iyo Blackburn Rovers oo kulankii ay ku yeesheen garoonka Anfield ku kala baxay barbar dhac goolal la’aan ah.

Wiilasha tababare Wenger ayaa ku dedaali doona in ay difaacdaan koobkan oo ay ku guuleysteen bishii May ee sannadkii hore. Si ay himiladooda u xaqiijiyaan waxa ay soo garaaceen wiilasha Wenger kooxaha Hull, Brighton and Hove Albion, Middlesbrough iyo Manchester United.

Wiilasha Steve Clarke ayaa waxay iyaguna soo dubteen si ay himiladooda uga run sheegaan naadiyada Bradford City, Sunderland, Derby, Cardiff iyo Huddersfield.

Dhinaca kale, Liverpool oo ay tahay in ay soo kala baxaan Blackburn Rovers ayaa ciyaari doona April 8, waxaana kooxda soo baxdaa ay 10 maalmood kadib la ciyaari doontaa Aston Villa.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Southampton Oo Amaah Ku Qaadanaysa Messi-ga Cusub ee Odegaard

WORLD Cup: Wakhtigii la qaban jiray Koobka Adduunka Oo La Beddelay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com