Somalia: Xidhiidhka Kubadda Cagta Oo AMISOM Ka Dalbaday Inay Ka Guuraan Garoonka Muqdisho Stadium

Xidhiidhka kubada cagta Soomaaliya ayaa cod dheer mar kale kaga codsaday ciidamada nabad ilaalinya u jooga wadanka Ee Amisom inay uga guuraan oo u faaruqiyaan garoonka kubada cagta caasimada ee Muqdisho Stadium.
Geggida qaadkeedu yahay 70,000-ee Kursi ayaa waxay saldhig rasmi ah u ahayd ciidamada midowga Afrika ka socda ee ku sugan gudaha Soomaaliya, mudo ku siman tobaneeyo sanno, taasi oo suurto gal ka dhigi weyday inay wax ciyaaro ahi ka qabsoomaan.Garoonka Muqdisho Stadium 1
“Waxaanu codsanay in garoonka kubada cagta ee Muqdisho inay noo baneeyaan, si aanu ugu isticmaalo wixii loo dhisay,oo ah in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ciyaaruhu shaqadoodii ku qabsadaan” ayuu yidhi gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Soomaaliyeed, Cabdiqani Siciid Carab.
Codsigan ayuu gudoomiyuhu sheegay inaanay ahayn markii koobaad, balse ay marar badan oo kale sida sanadii 2013 ay mid lamid ah direen.Garoonka Muqdisho Stadium 2
Gudoomiye Cabdiqani Siciid, isagoo u waramaya idaacada BBC laanteeda Afka Soomaaliga , wuxuu hadalkiisa sii raaciyey, inuu doonayo inuu arko iyadoo ay “Dhalinta Soomaaliyeed ka qayb gallayaan ciyaaraha kala duwan, iyo sidoo kale xidhiidhadii kala duwanaa sida kuwa ciyaaraha Fudud oo shaqadoodii ku qabsanaya Garoonkan Muqdisho Stadium”.

“Waxyaabaha codsiga badan keenaya waxay tahay, waad ujeedaa wadamadoo dhan inay ciyaarohooda kubada cagta ay diyaar garow ku jiraan, hadda Soomaaliya waxaan ka hadhnay inaan ka qayb gallno tartanka isreeb-reebka kubada cagta ee koobka qaarada Afrika, waxyaabahaas oo dhan waxa keenayaana waxay tahay , in garoonkii weynaa ee wadanku aanu gacantayada ku jirin,” ayuu yidhi.Garoonka Muqdisho Stadium
In kasta oo uu garoonka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Stadium, ka mid ahaa wakhtiyada qaar, kuwa ugu qaab dhismeedka iyo hanaaka fiican qaarada oo dhan, sida isagoo lahaa ama ka koobnaa dhamaan qaybaha kala duwan ee ciyaaraha loogu tallo gallay sida, qaybtii kubadaha gacanta ee Basketball-sha , volleyball-sha , iyo xataa qaybihii tartamada Dabaasha oo ay dheer tahay geggidii kubada cagta lagu ciyaaraya, garoonka weyn ee Muqdisho Stadium ayaan la isticmaalin muddo ku siman labaataneeyo sanno oo ay dagaalo iyo mashaqooyinka Soomaali la deggay halkaas ka socdeen.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Fiorentina, Napoli, Sevilla iyo Dnipro oo iska xaadiriyey Semi Finalka Europa League

Champions League Draw: Isku Aadka Oo Mar Dhow bilaabmaya Iyo Wufuuddii Oo Nyon Ku Sugan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com