Xidhiidhka Kubadda cagta Asia Oo weerar afka ah ku Qaaday FIFA

 

Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee FIFA sidoo kalana ahaa madaxwaynihii xidhiidhka kubadda cagta ee Asia Mohamed bin Hammam ayaa si kulul u weeraray ninka haysta siyaasada FIFA Sepp Blatter kaasi uu ku sheegay in uu yahay xaasid aan wadanka Qatar u ogolayn wax horumar ah.

Masuulkan oo waraysi uu siiyay Reuters ayaa waxaa uu inta badan kaga hadlay dadaaladii ay u soo mareen in ay helaan marti galinta dhacdadaasi qiimaha badan isaga oo sheegay in ay la kulmeen culaysyo badan haba u badnaadaan kuwa uu ku sheegay xaasidiin reer galbeed ah.

FIFA ayaa sheegtay in ay Qatar si ay u hesho marti galinta 2022-ka koobka aduunka ay bixisay lacag dhan £3million taasi oo la sheegay in ay ahayd laaluush ay u adeegsatay codadka.

Hammam Bin Hammam ayaa sidoo kale weeraray gudoomiyaha FIFA Sepp Blatter kaasi oo sheegay in uu yahay jir-jiroole is bada badal badan balse aanu ka aamusi doonin in ay u dagaalamaan in ay difaacaan shaqsiyadooda,tan carabta iyo waliba wadamada islaamka oo uu ku sheegay in ay muhiimad gaar ah siinayso in Qatar lagu marti galiyo koobka aduunka “Aad ayaa u garanayaa Sepp Blatter waa shaqsi aan horumar toona u ogolayn dhulkeena iyo guud ahaan mandiqada bariga dhexe waxaana u badinayaa in ay siyaasadi ka dambeeso,waxaa si cad u sheegayaa in aan ugu gamban doonin inaan u dagaalano xaqeena waliba isaga oo si aad noo garanaya.”Ayuu yidhi Bin Hammam.

Si kastaba ha ahaatee madaxwaynaha Fifa Sepp Blatter ayaa dhawaan shaaciyay in koobka aduunka kadib si rasmi ah loo shaacin doono natiijada ka soo baxda baadhitanada uu samaynayo Michael Garcia oo xubin ka tirsan FBA-da lana shaqeeya FIFA.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sawiro – Xulka Ingiriiska Oo Brazil Ka Degay Iyo Amaanka Ciyaaryahanada Oo La Adkeeyey

Dalka Brazil Oo walaac wayn ka muujiyey laba iyo toban magaalo oo lagu qabanayo K/ Adduunka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com