Xidig Da’Yar Oo Reer BELGIAM Ah Oo Ay Ku Loolamayaan Kooxaha MAN UNITED Iyo CHELSEA

15 jir khadka difaaca uga ciyaara xulka Belgium ee da’doodu ka hooseyso 17 jirada , ayaa dhexda ugu jira loolanka adag ee ay ku kala jiidanayaan naadiyada Manchester United iyo Chelsea.

Wout Faes ayaa ay Ingiriiska uga yimaadeen khabiiro qiimayn ku samaynayaa , kulankii xulka Belgium U17 vs Scotland U17 ee tartanka qaramada qaarada Yurub ee da’doodu 17 ka ka yartahay.

Faes oo muuqaalka Timaha iyo qaabkaba uga eg xidiga difaaca Chelsea ee David Luiz ayaa imika ka mid ah ciyaaryahanada u soo baxay ee ay soo saartay kooxda dhalinyarada ee Naadiga Anderlecht.

Qaab ciyaareedkiisa iyo awooda kubad haysasho ee eebe ku manaystay wiilkan da’da yar ayaa soo jiitay indhaha labadan Naadi , kuwaas oo midkii ku guulaysata tartankiisu ugu horenba looga fadhiyo inay ku rido khasnada Anderlecht lacag dhan £2million (laba milyan oo lacagta Ingiriiska ah) oo ah lacagta ku baxday koriinka iyo kubad ku leylinta ciyaaryahankan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Bayern Oo Xod-xodanaysa Xidiga Mustaqbalka Ifaya Leh Ee Adnan Januzaj

Beckham: Ibrahimovic & Xulafadiisu Way Ka Reebi Karaan Chelsea Horyaalka Champions League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com